Maxay GMM ka yiraahdeen waraaqdii Farmaajo?

Waraaqdan, ayaa ku soo aadday xilli, ay shalay iyo xalay iska soo dababaxeen bayaanno ay soo kala saareen Xaafiiska Farmaajo iyo RW Rooble, kuwaas oo isaga soo hor jeeday si adag.

Warar Keydmedia Online
Maxay GMM ka yiraahdeen waraaqdii Farmaajo?

Muqdisho, Soomaaliya – War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa si kulul loogu cambaareeyay qoraalkii 16/09/21, kasoo baxay xafiiska Farmaajo, kaas oo ay ku tilmaameen inuu dalka u horseedayo xasarad siyaasadeed iyo qalaalase amni, waxayna ku eedeeyeen in Farmaajo uusan wali ka tanaasulin damiciisii ahaa in uu helo muddo-kororsi sharci-darro ah.

“Sida ku cad Dastuurka dalka, Madaxweyne muddo-xileed buuxa leh ayaan awood u lahayn in uu xil ka qaado, ama shaqo joojin ku sameeyo Ra’iisul Wasaare, kuma sii jiro mid xileedkiisu dhammaaday. Madaxweynaha Muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu si ulakac ah u jebiyey Dastuurka, kamana run sheegin qodobbada Dastuurka 87 iyo 90 ee uu qoraalkiisa ku daliishaday, kuwaasoo meelna kaga qorneyn xil joojin ama xil ka qaadis Ra’iisl Wasaare”. Ayaa lagu yiri warka GMM.

Waxa ay Farmaajo ku eedeeyeen inuu xagal-daacinayo qabsoomidda dooshooyinka, isla-markaana uu hor-taagan yahay caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil Faraax, si labadaas qodob aysan u hirgalinna waxa ay tilmaameen inuu ku tumanayo Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa.

Waraaqada Midowga Musharixiinta, waxaa lagu sheegay “in Farmaajo, uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda Raysalwasaaraha, isla markaana awood gaar ah siyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo qorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka”.

Waxa ay soo jeediyeen, in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka.

Ugu danbeyn waraaqda ka soo baxday GGM, ayaa Shacabka Soomaaliyeed, Dawlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba loogu baaqay in ay ku garab istaagaan Ra’iisul Wasaaraha, sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidii deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda.

Waraaqdan, ayaa ku soo aadday xilli, ay shalay iyo xalay iska soo dababaxeen bayaanno ay soo kala saareen Xaafiiska Farmaajo iyo RW Rooble, kuwaas oo isaga soo hor jeeday si adag.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.