Maxay Soomaaliya ku xasuusan doontaa 2021?

Farmaajo ayaa sameeyay labo isku-day afgembi, oo dhicisoobey, waxaana dalka ka baaqdey doorashadii dhic jirtay afartii sano mar.

Warar Keydmedia Online
Maxay Soomaaliya ku xasuusan doontaa 2021?

KEYDMEDIA - Maanta waxaa bilowday sanad cusub 2022, waxaana la sagootiyay 2021, oo Soomaaliya ku xasuusan doonto dhacdooyin badan oo isugu jira horumar iyo dib u dhac ku yimid qaranka oo 21 sano dib u dhis ku jira.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la xusi doono ayaa waxaa kamid ah inqilibaayo fashilmay, doorashadii oo waqtigeeda ku dhici waysay, dilal, qaraxyo, dagaallo iyo mudo-xileedkii Farmaajo oo dhamaadey.

Jan 31, 2021: Jeneraal Galaal ayaa lagu dilay isaga iyo dad kaloo badan weerar lagu qaadey Afrik Hotel.

Isla Bishan, Mareykanka ayaa Ciidankiisa kala baxay dalka kahor inta uusan Trump White House faarujin.

February 8, waxaa idlaadey mudo-xileedkii Farmaajo, iyadoo aan la dooran Madaxweynihii bedeli lahaa.

March 10 Cali Mahadi, oo dalka Madaxweyne kasoo noqdey 1991–1997 ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaalla Nairobi, Kenya kadib markii uu ku dhacay COVID-19.

April 12, Gollaha Shacabka ayaa mudo-kordhin sharci-darro ah oo 2 sano ah u sameeyay Farmaajo, kaasoo ka dhashay colaad sababtay in magaaladda Muqdisho 600,000-100,000 qof ka barakacaan.

July 29, doorashadda Aqalka Sare ayaa dalka ka billaabatay, waxaana kuraastii ugu horeysay oo afar gaaraya lagu doortay Kismaayo, kuwaasoo Jubbaland matalaya.

September 16, Farmaajo ayaa sameeyay isku daygii 1aad ee afgembiga, isagoo shaqo joojin ku sameeyay awoodaha Ra’iisul Wasaare Rooble kadib markii ay isku khilaafeen xilka ka qaadista Fahad Yaasiin.

October 10, waxaa fashilmay jadwalkii ugu dambeeyay ee doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya.

Isla Bishan, Guriceel dagaal ayaa ka dhacay oo saddex maalin socday, kaasoo 120 qof ay ku dhinteen.

December 27, Farmaajo ayaa ku dhaqaaqey isku-day afgembi 2aad, kaasoo isna uu ku fashilmay.

Waxaa jira dhacdooyin kale oo aad u badan, balse kuwa ayaa ugu waaweynaa, oo xasuus gaar ah u lahaan doona dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sanadka cusub 2022, ALLAH haka dhigo mid Soomaaliya ugu wanaagsan midkii tagey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.