Maxay tahay shaqada hay’adaha ay Soomaaliya kala wareegtay QM?

Sababta loo aasaasay Hayadda xog uruurinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya oo mid kamid ah hay’addaha dowladdu la wareegtay, ayaa ahayd inay dib u uruuriso oo ay kaydiso xogihii ku dhumay dagaaladii sokeeye, ee la aruuriyay 50-kii sanno ee ka horreysay burburkii dalka.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay shaqada hay’adaha ay Soomaaliya kala wareegtay QM?

MUQDISHO, Soomaaliya- Dowladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay kala soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo Hay’adda xog uruurinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM).

Heshiiskan oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay kala saxiixdeen, Hay’adda tiro koobka Qaranka Soomaaliyeed iyo Hay’adda FAO ayaa lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka Hay’adda Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada iyo Hay’adda xog uruurinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Sababta loo aasaasay Hayadda xog uruurinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya oo mid kamid ah hay’addaha dowladdu la wareegtay, ayaa ahayd inay dib u uruuriso oo ay kaydiso xogihii ku dhumay dagaaladii sokeeye, ee la aruuriyay 50-kii sanno ee ka horreysay burburkii dalka. Sidoo kale waxaa loo dhidbay inay si dhaw ula socoto xogaha cusub.

Waxay keydisay xilligii ay jirtay Hay'addani xogo muhiim ah oo la xariira, Kheyraadka biyaha (biyaha sare, biyaha hoose iyo waraabka), Cimillada/saadaasha hawada, xogaha abaaraha, xogaha daadadka iyo Kheyraadka dhulka, sida Ciidda, dahaarka dhulka, adeegsiga dhulka, habboonaanta dhulka iyo dhalan-gaddoonka dhulka.

Dabayaaqadii sannadkii 2017 ayay aheyd, markii Soomaaliya ay dib kala soo wareegtay maamulka hawada oo tan iyo markii dalku burburay ay maamulayeen hay’ado shisheeye.  

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.