Maxay tahay sababta loo xiray jidadka Muqdisho?

Farmaajo ayaa looga digay inuu dalka geliyo dagaal sokeeye, hadii uusan ka waantoobin ficiladda xun iyo daandaansiga colaadeed.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay sababta loo xiray jidadka Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la joojiyay dhamaad gaadiidkii shaqeyn jiray, taasoo ku qasabtay shacabka inay lugta maalaan.

Askarta Haramcad, oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu soo daadiyey Isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla Caasimadda iyo hareeraha goobaha ay degan yihiin musharixiinta mucaaradka, iyagoo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale, Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa baabuurta dadweynaha, kuwa gaarka loo leeyahay iyo mootooyinka ka celinaya jidadka halbowlaha u ah isku socodka magaaladda, waxaana la arkayaa dadweynaha oo maalaya caagahooda, si ay u gaaraan goobaha ay rabaan.

 Xirnaashaha jidadka ay si weyn u saameysay dadka shacabka ah iyo ganacsigii ku yaalla hareeraha wadooyinka la xiray.

Wararka ayaa sheegaya in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay in maanta uu dhaci rabay dibad-bax lagu taageerayo dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena laga cabsi qabay in la qabto mid kale oo looga soo horjeedo Farmaajo ay mucaaradka qabtaan.

Xisbiga Wadajir ayaa u xusaya sanad guuradii 3aad ee xasuuqii loo geystay 

Si kastaba, xaaladda Muqdisho ayaa ah mid kacsan, iyadoo maalin kahor ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshada watay oo sababay dhimasho & dhaawaca dad shacabka ah oo ay toogteen Ciidamada DF

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.