Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Degmada Afgooye ayaa maanta waxaa ka furantay dacwada maxkamada ka dib markii haween badan lagu kufsaday halkaas isla markaana loo soo qabtay ciidamo ka tirsan dowlada kufsigaasi.
Dacwada Mackamada ayaa hada socota iyadoona ay joogaan halkaasi masuuliyiin sar sare oo ka socota maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Eedeysanayaal iyo masuuliyiin ka tirsan gobalka.
Waxaa lawada sugayaa go’aanka ka soo bixi doona maxkamada xili dhibaatooyin badan ay la kulmaan Haweenka ku nool gobalka Shabeelaha Hoose oo kufsiga uu ugu daranyahay.
Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose C/qaadir maxamed Nuur Siidii ayaa afkiisa ka qirtay in uu arkay labo gabdhood oo la kufsaday isla markaana ay si xun u xoogeen Askarta dowlada.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments