Maxkamadii Sare oo la kala diray

Keydmedia (Muqdisho) Qaar ka mid ah madaxda maxkamada sare ee Ciidamada Dowlada KMG ah Soomaaliya ayaa daboolka waxa ay ka qaadeen in ay soo gaartay wareegto lagu kala darayo Maxkamadaasi
Warar Keydmedia Online
Maxkamadii Sare oo la kala diray

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Gaashaanle  Muuse Max’ed Axmed ayaa ayaa waxa uu u sheegay Saxaafada in maalinimadii shalay aheyd ay so gaartay Digreeto muujineysa in gabi ahaan la hakiyay howshii Maxkamada sare ee Ciidamada, waxaana taa badalkeed uu sheegay in la dhisi doono Maxkamada darajada kowaad.

 “ Warkaasi xili dhaw ayuu na soo gaaray, waxaana hada si fiican u raadin doonaa sababta keentay isbadalka” sidaa waxaa yiri Gaashaanle Muuse isagoo intaa ku daray in Maxkamada darjada kowaad ay tahay xiligan mid si weyn loogu baahanyahay.

Inkastoo magac ahaan ay u jirtay mudo maxkamadan ayaa hadana waxaa xusid mudan in aanu jirin wax howl qabad muuqda oo laga dhaxlay mudadii ay shaqeyneysay.

 www.keydmedia.net