Muxuu Rooble indhaha uga fiirsanayaa Boobka doorashadda?

Ma jiro ikhtiyaar kale, aan ka ahayn in la is-dhaafiyo doorashaddan mudada halka sano soo jiitamaysay, oo maaro loo waayay caqabadaheeda.

News Keydmedia Online
Muxuu Rooble indhaha uga fiirsanayaa Boobka doorashadda?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Soomaaliya ka socda wax lagu tilmaamay doorasho, balse aan ahayn oo loo ekaysiiyay, iyadoo heerka musuq-maasuqa gaarey meeshii ugu sareysay.

Waxyaabaha soo kordhisay doorashaddan waxaa kamid ah kursiga qof loo xirayo, Musharax malxiis ah iyo madaxda Maamulada oo leh go'aanka qofka tartamaya iyo ergada dooranaysa.

Sida loo qaabeeyay hanaanka doorashadda wuxuu ku tusayaa in Madaxda Maamullada ay awood badan ku leeyihiin doorashadda, oo aan cidna kala hadli karin waxa ay sameeyaan.

Labo garab ayaa loo kala baxay Maamulada, kuwa taageera Farmaajo, oo usoo saaraya Xildhibaanno, iyo kuwa kasoo horjeeda oo xulayo Xildhibaanno mucaarad ku ah Villa Soomaaliya.

Illaa hadda 62 kursi oo kamid ah 275 ayaa la doortay tan iyo sanadkii tagey, waxaana dhiman 213, oo la doonayo in 30 maalmood lagu soo doorto, maadaama lagu heshiiyay 40 maalin.

Rooble waqti badan buu geliyay inuu doorasho wadar-ogol ah, oo hufan qabto, balse dagaalka siyaasadeed ee uga furan dhinaca Farmaajo iyo Mucaaradka ayaa curyaamiyay dadaalkiisa.

Waxay hadda Rooble ka taagan tahay xaaladda mar lee i dhaaf i doorashadda madaxeyga cadeysay, sida ay doonaan kusoo baxeen Xildhibaanada. Tani ayaa fududeysay boobka kuraasta.

Daah-furnaan la'aanta ka jirta doorashadda cid walba waa u jeedaa, laakiin yaa wax ka qaban kara waaye su'aasha, waayo ma jirto Maxkamad dastuuri ah iyo hay'ado hubiyo hanaanka.

Todonkii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa lagu doortay 28 kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka, iyadoo waqtiga uu u muuqdo in aan ku filnayn inta dhiman oo ah kuwa ugu adag.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.