Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Messi ayaa loogu caleema saaray xidiga kubada cakta aduunka ee sanadka 2011 kadib munaasabad goor dhaweyd ka dhacday magalada Zurich ee dalka Switzerland.
Waa markiisii sadexaad isaga oo horay ugu soo guuleystay abaal marintaan sanadihi 2009 iyo 2010.
Messi wuxuu ku kasbaday abaal marintaan kadib marki uu sanadki tagay ka caawiyey kooxda Barcelona in ay markeedi sadexaad oo xiriir ah qaado horyaalka Spain ee La Liga, sidoo kalana ay mudo sadex sano gudahood ay laba jeer qaado kooxda Champions League.
Wiilkaan oo wali da,diisu tahay 24 jir ayaa hada iska bareejeeyey laacibiinta kala ah Michel Platini oo ahaa ninka ka liyah ee sadex jeer oo xiriir ah qaaday abaal marintaan sidoo kalana waxaa xiriiriyey xidigaha kala ah Johan Cruyff iyo Marco van Basten.
Add comment
Comments