UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dagaal kaga guuleystay koox ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo ka jawaabayay weerar xalay kaga yimid koox ka tirsan Al-Shabaab oo habeenkii labaad soo qaaday weerar isugu jira Hoobiyayaal iyo iska hor imaad fool-ka-fool ah ayaa waxay nolosha kusoo qabteen qabteen qaar kamida maleyshiyaadkii kooxda
Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyeyaasha howlgalka hoggaaminayay ayaa warbaahinta u sheegay in ladilay 8 ka mida kooxda weerarka soo qaadday ee Al-Shabaab sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaarigii Hoobiyihii iyo Hub fudud oo ay u adeegsanayeen.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa kasocda Shir ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments