Maydkii oo an wali la duugin - (AMISOM) ayaa sabab u ah

Marxuumiinta dil wadareedka loo geystay ayaa weli 35-cisho aan iilka la dhigan, kuwaas oo ku dhex jira qaboojiye. Ma helin caddaaladii ay ka mudnaayeen Dowladda Soomaaliya, taas oo muujineysa sida dhagaha looga fureystay kiisas badan oo uu qeyb ka yahay dil wadareedka lagu xasuuqay dadkan maatidi ah.

Warar Keydmedia Online
Maydkii oo an wali la duugin - (AMISOM) ayaa sabab u ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Ehellada dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ay ku xasuuqeen deggaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in AMISOM ay diidan yihiin in ay saxiixaan warqadda caddeyn muujinta ah, oo ay ku xusan tahay dadkii ay sida arxan darrada ah u dileen.

Mid ka mid ah ehellada dadka la xasuuqay ayaa tilmaamay in Saraakiisha AMISOM ay qiransan yihiin dilkaas inay geysteen ciidanka Uganda ee qeybta ka ah Howl-galka Nabad ilaalinta Soomaaliya, balse ay ka meermeerayaan saxiixa warqadda caddeynta ah.  

“In ka badan 7-jeer ayaan la kulannay Guddi ka socda AMISOM, wayna qirsan yihiin in ciidanka Uganda geysteen falkaasi, balse markii aan ka dalbannay saxiixa warqadda caddeyn muujinta ah, way ka meermeerayaan.” ayuu yiri Maxamed Xuseen Calasow

“Dadkaan waala duugayaa, balse waa in la hayaa dukumiinti ku xusan qiraalkooda, 6-dii bishan September ayaa Guddiga ku ballansaneen in la saxiixo caddeyn muujinta oo la maxkamadeeyo askartii xasuuqa geystay.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Maxamed Xuseen.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayuu ka dalbaday Maxamed Xuseen oo ka mid ah ehellada dadkii ay xasuuqeen ciidanka Uganda, in wax laga qabto cabashadooda oo waqti dheer qaadatay.

19-kii bishii August ee sannadkan 2021, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Musevani. ayaa qirtay in askartiisa ay dileen dad rayid ah, Safiirka Uganda ee Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka ka socda Uganda, waxa ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kala hadleen kiiskaan 21-kii bishii August 2021

Marxuumiinta dil wadareedka loo geystay ayaa weli 35-cisho aan iilka la dhigan, kuwaas oo ku dhex jira qaboojiye. Ma helin cadaaladdii ay ka mudnaayeen Dowladda Soomaaliya, taas oo muujineysa sida dhagaha looga fureystay kiisas badan oo uu qeyb ka yahay dil wadareedka lagu xasuuqay dadkan maatida ah.

Dibadbaxyo ay ku muujinayeen cabashadooda, iyaga oo isugu soo baxayay wadooyinka Muqdisho dhowr mar ayaa ciidamada ammaanka kala kulmayeen jirdil iyo armar ku taagleyn looga hor istaagayo muujinta shucuurtooda iyo sida ay uga xun yihiin sidii loo xasuuqay dadkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.