Midowga Afrika oo ka hadlay dagaalka Baladxaawo

Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay dagaalkii ka dhacay Baladxaawo ee dowladda Soomaaliyana ay ku eedeysay dowladda Kenya, kuna tilmaantay in ay Jabhad ay Kenya soo hubeysay

Warar Keydmedia Online
Midowga Afrika oo ka hadlay dagaalka Baladxaawo

ADISABAB, Itoobiya - Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat ayaa qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter -ka ku sheegay inuu ugu baaqayo labada waddan ee deriska ah (Soomaaliya iyo Kenya) inay muujiyaan dulqaad ayna wadahadal yeeshaan, iyagoo raacaya hannaanka wadahadallada ee urur Goboleedka IGAD.  Muusa Faki Mahamat ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha midowga Afrika waxa uu sheegay in nabad ka jirta xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka. Hadalka Guddoomiyaha guddiga maamulka hawlaha Midowga Afrika ayaa kusoo aaday maalin kadib markii dagaallo ay ka dheceen magaalada Beled Xaawo ee dalka Soomaaliya, dagaalkaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ah, kuna barakaceen, iyadoo lagu kala qabsaday maxaabiis hal dhinac ah oo dhammaantoba ah Soomaali.

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen Jabhad fallaago ah oo ay soo hubaysay Kenya, hadalkaasoo ay beenisay Kenya kuna tilmaantay mid aan waxba ka jirin, una gudbisay midowga afrika war qoraal ah oo ay isku bari yeeleyso dagaalka ka dhacay Soomaaliya ee u dhaxeeya Kenya iyo Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.