Midowga musharaxiinta iyo Beesha Caalamka oo kulan usocdo

Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa kulan la leh Xubnaha wakiilada Beesha Caalamka, iyadoo shirkan looga hadlayo xaaladda adag iyo dagaalada kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
Midowga musharaxiinta iyo Beesha Caalamka oo kulan usocdo

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo qaar kamida Xubnaha wakiilada Beesha Caalamka ayuu hadda shir uga socdaa aaladda fogaan aragga iyadoo shirkan uga wada hadlaya xaaladda adag iyo dagaalada kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid deg-deg ah islamarkaana ay qaban qaabiyeen xubnaha wakiilada beesha caalamka ayaa looga hadlayaa weeraradii shalay lagu qaaday hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxxmaan Cabdishakuur Warsame kuwaasoo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Inkastoo maanta ay daggan tahay xaaladda magaalada Muqdisho, balse laga dareemayo saan-saan colaadeed haddana waxaa la filan karaa xilli kasta in uu dagaal billaaban karo maadaama dhinacyadii diriray ay weli isku hor fadhiyaan goobihii uu dagaalka ka dhacay.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Benaadir Saadaq Joon iyo taliyihii hore ee Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaale Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa la xaqiijiyay in ay qeyb ka ahaayeen dagalladii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana dagaalladaasi ay ahaayeen iska caabin sida ay ku doodayaan xubnaha midowga musharaxiinta.

Shirka ayaa looga gol leeyahay sidii loo dajin lahaa xaaladda magaalada Muqdisho, iyadoo markii uu soo dhammaado kulankana lagu wado in xubnaha wakiilada Beesha Caalamka ay la kulmaan RW Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].