Midowga musharaxiinta iyo Odayaasha dhaqanka oo kulmay

Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya iyo odoyaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho, labada dhinac ayaa ka hdalaya arrimaha cusub ee ku saabsan xaaladda dalku ku jiro

Warar Keydmedia Online
Midowga musharaxiinta iyo Odayaasha dhaqanka oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa maanta la kulmay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo ka wada hadlay xalka guud iyo sidii doorasho nabdoon dalka uga dhici laheyd iyo sidii odayaasha dhaqanka ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorkooda kaga aadan badbaadinta masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa wuxuu qeyb ka yahay shirar dhowra oo ay midowga musharaxiinta la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyagoo kala hadalaya xaalka dalka uu marayo iyo meesha ay wax ku socdaan.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda wada-hadal u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliyeed kuwaasoo kulankoodii saddexaad isku hor fadhiya gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uu doonayo in uu qeyb ka noqdo shir lagu ballansan yahay inuu ka dhaco Teendhada Afisiyooni kaasoo ay isugu imaanayaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mursal ayaa wada qorshe lagu wiiqayo dadaalladaas nabadeed, waxa uuna doonayaa inuu muddo kordhin uga ansixiyo Baarlamanka isagoo horay u sheegay in Heshiiskii 17 -kii Sebtember uu fashil ku yimid, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in dalka la samata bixiyo, oo muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo Baarlamanka labadaba.

Golaha midowga musharaxiinta oo diiddan arrimahaasina waxay billaabeen in ay shirara gaar-gaar ah la yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.