Midowga Yurub oo sharci-darro ku tilmaamay kala dirista Xukuumaddii Kheyre

Midowga Yurub ayaa sharci-darro weyn ku tilmaamay nidaamkii loo maray kalsooni kala-noqoshadii Ra'iisul wasaare Xassan Cali Khayre.

Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub oo sharci-darro ku tilmaamay kala dirista Xukuumaddii Kheyre

Nairobi, Kenya  - Midowga Yurub ayaa sharci-darro ku tilmaamay habraacii 'qaldanaa' ee loo maray kala dirista xukuumaddii Kheyre, kuna tilmaamay arintaan dib u dhac siyaasadeed.

 

"Nasiib darro, go’aankii kasoo baxay Golaha Shacabka Sabtidii waxay muujinayaan dib u dhaca Soomaaliya iyo kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya. Qawaaniinta loogu gudbiyey mooshinka kalsooni kala-noqoshada ah ee golaha wasiirrada ma buuxin shuruudaha dastuurka" ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay midowga Yurub.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.