Midowga Yurub oo si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya

Wakiilka Sare Arrimaha Dibbada ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa bayaan ka soo saaray arrinta ku saabsan heshiis la’aanta ku aaddan in doorasho ka dhacdo Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub oo si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa bayaan ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, waxa ay sheegeen in ay tahay arrin Khatar ah heshiis la’aanta doorashada danna aysan ugu jirin umadda Soomaaliyeed.

Bayaanka kasoo baxay Josep Borrell ayaa lagu xusay muhiimadda ay leedahay in dhammaan ka qeyb galayaasha siyaasadda Soomaalida ay sii wadaan ka shaqeynta xalka, si loogu hishiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ayaa lagu amray in ay  sii wadaan dadaalkooda ku aaddan hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember.

Midowga Yurub waxa ay hoosta ka xariiqeen in doorashooyin is bar-bar socda, mid qeyb gooni ah u xiran iyo waqti kordhin aan qaab farsamo ahayn loo tixgelin doonaa dib u dhac aad u daran.

“Ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira wuxuu dhaawacayaa kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya” ayuu lagu yiri qoraalka uu soo saaray Josep Borrell.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayay ku amreen in ay ka heshiiyaan is mari-waaga taagan isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan doorasho lagu qabto.

“Madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka waxaa looga baahan yahay inay xaliyaan ismari-waaga siyaasadeed ee Khatarta ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyinka”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinacyada oo dhan ayaa lagu amray in ay muujiyaan hoggaan, isla markaana ka fogaadaan hadallada iyo ficillada hurin kara rabshadaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.