Midowga Yurub: Waxba kama jiraan hadalka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Brussels (KON) - Madaxa Guddiga Hormarrinta ee Midowga Yurub, Andris Piebalgs oo Wareysi siiyay Wargeysa "International Business Times - UK" ayaa Wax aan jirin ku tilmaamay hadalka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub: Waxba kama jiraan hadalka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan kusoo celcelisay in aysan Wax Dhaqaale ah ka helin Midowga Yurub, soona gaarin Deeqdii Midowga Yurub u balanqaaday Soomaaliya.

Wasiiradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku sugan Magaalada Brussels ee Dalka Beljim ayaa Toodobaadkaan Cambareysay Midowga Yurub, sheegtaynah in dhaqaalihii loo balanqaaday Soomaaliya uu soo gaarin Dowladda Soomaaliya.

"Balanqaad ma ahanee, wax nasoo gaaray ma jiro" Ayey tiri Fowziyo Yuusuf.

Wargeysa Online-ka ah IBTimes UK oo kasoo baxa Magaalada London, ee Dalka Britain ayaa Wareysi gaar ah la yeeshay Madaxa Guddiga Hormarrinta ee Midowga Yurub, Andris Piebalgs, kaasoo beeniyay hadalka Fowziyo.

Diplumaasigaan u Qaabilsan Ururka Midowga Yurub Hormarinta ayaa sheegay in hadalka Fowziyo uusan saxsaneyn "Waan ka xumahay in aan sidaas ugu Jawaabo, laakiin hadalke sheegtay, waxba kama jiraan" Ayuu yiri.


"I'm very upset she said that - it's absolutely false. - Wareysiga oo dhameystiran waxaad ka Aqrisan kartaa Qeybta Ingriiska, Halkaan Guji: EXCLUSIVE: Somalia deputy PM Fawzia Yusuf Adam 'we get nothing' claim angers EU commissioner.


“Hormarka Siyaasaddeed ee ka jira Soomaaliya oo keliya ma ahan waxaan Dhaqaalaha ku bixineyno, balse waxaa sidoo kale dhaqaalaha ku bixineyna mashaariic kala duwan oo aan ugu talagalnay in ay ka faa'ideystaan Shacabka Soomaaliyeed"

Asigoo hadalkiisa sii wata "Mashaariic Hormarineed ayaa haatan ka wadnaa Qaybo ka mid ah Soomaaliya, oo aan ku bixinnay 50 Malyan oo Euro, Lacagtaas inteeda badan waxaan ku bixinaa Mashaariicda waxbarashada, horumarinta deegaanka, caafimaadka iyo Biyo nadiif ah ee Deegaanada Somaliland iyo Puntland" Ayuu yiri Andris Piebalgs.

Andris Pebalgs ayaa sheegay in Lacag aan Gacanta loo galinin Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in aysan jirin Qof Mas'uul ah ama Maamul loo dhiibi karo Lacagtaas.

"Waa runteed Wasiirradu inaysan jirin Lacag aan u dirnay Dowladda F. S., waayo ma jiro maamulkii loo baahnaa ee isla xisaabtanka iyo maareynta dhaqaalaha (...) Anaka Diyaar baan u nahay in aan Taageerno Dowladda Soomaaliya”

Soomaaliya ayaa loo balanqaaday Shirkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay Brussels bishii September ee Sannadkan Lacag dhan 1.8-bilyan Euro.

Wafdi ay Hogaamineyso Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Magaalada Brussels uga qayb-galay Shirka Horumarinta Caalamka iyo Guddiga Midowga Yurub.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi