Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle

Waxaa mudooyinkii dambe jiray Khilaaf siyaasadeed xoogan oo u dhaxeeya Gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, oo soo saarey amaro iska soo horjeeda oo Xildhibaanada siiyeen.

Warar Keydmedia Online
Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan magaaladda Jowhar, taasoo u dhaxeysa gudoonka Baarlamaanka HirShabeelle, sida uu Xildhibaan u sheegay KON.

Gudoomiye ku xigeenka Gollaha, Canab Axmed ayaa abaabushay mooshin lagu ridayo gudoomiye Sheekh Cismaan Barre kaasoo ay isku hayaan arrimo shaqsi iyo hogaaminta Baarlamaanka, oo midba kan kale soo saraayo amaro la siiyay Xildhibaanada.

Canab ayaa fariin u dirtay Xildhibaanada, iyadoo ku wargelisay in 19-ka bishaan jiro kulan la isagu imaanayo xaruntooda Jowhar, kaasoo loogu codeynayo Mooshinka gudoomiyaha laga soo gudbiyay, ee la doonayo in kalsoonida loogala noqdo.

Gudoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa dhankiisa isna u diray Xildhibaanada fariin taasi ka duwan, oo ku sheegay in dib loo dhigay kulanka Baarlamaanka, balse waxaa diiday amarkiisa Canab oo ku doodaysa inuusan xaq u lahayn go'aankaas, maadaama mooshin ka yaallo.

HirShabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee la aas-aasay 2016 ayaa la degay khilaaf siyaasadeed aan dhamaad lahayn, waxaana madaxad lagu eedeeyay inay Muqdisho degaan marka la doorto, oo aysan waxb ka qaban arrimaha degaanka.

Madaxweyne Waare ayaa labo jeer diyaarad ku dul-maray HirShabeelle, isagoo kasoo duulay Muqdisho, una safray magaaladda Dhuusamareeb, taasoo caddeyn u ah in hogaanka maamulkan dayacay mas'uuliyadii loo dhaariyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.