Mooshin laga gudbinayo Maxamed Mursal

Qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo hor jeeda sida uu wax wado Farmaajo, kana xumaaday hab dhaqan Maxamed Mursal uu ku af duubay Golaha Shacab ayaa maanta kulan ku yeeshay Huteelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Mooshin laga gudbinayo Maxamed Mursal

MUQDISHO, Soomaaliya – Kutlada badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin xildhibaanno ka tarsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa maanta kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxaa ay hoosta ka xariiqeen gudbinta mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah, ku dhawaad 100 xildhibaan, ayaa saxiixay Mooshinka waaxaan loo gudbinayaa oo qabanaya Guddoomiye ku xigeynka koobaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.

Shan iyo tobon Xildhibaan oo Maxamad Mursal uu sheegay in aysan ka soo qeyb gali karin shanta kulan ee socota ee kulamada Golaha Shacabka ayaa maanta loo diiday in ay tagaan xarunta Golaha, waxaana waddooyinka muhiimka ah ee magaalada lagu jaray ciidamo wata dabbaabaadka dagaalka.

Xildhibaan, Maxamed Xasan Idiris, oo ka mid ah xildhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Maxamed Mursal uu Golaha Shacabka u baddalay guri uu isagu leeyay iyo xero ciidan.

“Waxaan isku af garanay in Kutlada Badbaado Qaran sida ugu dhaqsiyaha badan leh ay go’aan ka qaadato Maxamed Mursal” Ayuu yiri, Maxamed Xasan Idiris.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inuu saakay si dhib leh ku tagay Xarnta Golaha, isagoo aan ka mid ahyn xubnihii la sheegay in la ganaaxay, “Faylasha Al-Shabaab kuwa ugu sareeya la galiyo ayaan ku jirnay saakay”. Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayuu ku eedeeyay inuu Golaha Shacabka gacanta u galiyay Hay’adda Nabad Sugidda.

Kulanka ugu soo horreeya ee Golaha ayaa la filayaa inuu dhaco Sabtiga kaas oo haddii sabtiga ka hor uu Muuday qabto mooshinka, Maxamed Mursal ka hor istaagi doonta inuu shir gudoomiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.