Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Sidaan Xalay usoo Qornay, 168 Xildhibaanno ay Saxiixeen Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha, waxeyna Maanta u gudbiyeen Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.
Waa iska Cadeyd in uu Ra’iisul Wasaare "Saacid" ku socdo Xarig Dun ah korkiisa oo ay u harsantahay Maalmo Faro-kutiris ah.
Xildhibaanadaan ayaa Mooshinkan ku dalbanayo in kalsoonida lagala laabto xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid. Ku dhwaad 170 Xildhibaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay jeebka ugu jiraan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana laga yaabaa Todobaadka soo socda Xilka laga qaado R/wasaaraha.
Mooshinkaan ayaa imaanaya Xili Madaxweynaha uu Safar Shaqo u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ku xigeenkiisa Jeylani Nuur Ekar.
Wixii Faahfaahin ah kala soco Warbixinta Bari Subax
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments