Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Xafladda oo ahayd tii ugu weynayd ee ka dhacda Qaaradda Yurub ayaa waxaa fadhiyey goobta in ka badan kun Qof 1000. Halka in kaloo badan ay Banaanka ka dhageeysanaayeen.
Xafladda ayaa waxaa lagu furay aayadaha Quraanka oo uu akhriyey Mucalim Faarax, intaas ka bacdi ayaa waxaa muxaadaro aad iyo aad u Qiimo badan kasoo jeediyey Sh.Muxiyadiin Xassan ayaanle oo ka hadlay Qatarta ay leedahay Nabiga oo la xaqiro Halkaan ka dhageeyso Muxaadaradii Sh. Muxiyadiin.
Waxaa Sidoo kale isna Muxaadaro ka ilmeeysiisey dadweeynihii goobta soo camirey ka jeediyey Sh. Abdiraxmaan Sh.Muxiyaiin Celi oo ka hadlay Geerida Nabiga NNK.
Waxaa sidoo kale Mashaa,iqdii muxaadarayoyinka ka soo jeediyey Xafladda ka mid ahaaa
Sh.Daahir Xaaji Cusmaan
Sh.MuxiyadiiN Maxamed Aadan
Sh.Muxiyadiin Maxamuud Xirsi
Sh.Cismaan Xaaji
Sh.Haadi Xassan oo ka yimid Wadanka Bakistaan ahna imaamka Masjidka xaafadda Märsta.
Waxaa sidoo kale garab socday Qasaa'id macaan oo ay qaadayeeen maadixiintii ka soo qayb gashay ixtifaalka oo uu ka mid ahaa Macalin Xassan. Sh daahir walde. iyo Mucalim Mahad Sh,axmed Sheelare.
Waxaa gabagabdii Ziyaarta duco ku khatimay Mucalim Saciid oo ah qofkii ugu horeeyey ee Mowliidka rasuulka ka dhiga wadanka Sweden, kana mid ah axbaabta sida quruxda badan u soo agaasintay xafladda.
Xafladda oo ahayd xafladii ugu balaarneyd ee ka dhacda qaaradda yurub ayna ka muuqatay bilic iyo qurux ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowday Nuur iyo nafaxaad
Add comment
Comments