MSF oo joojisay howlihii caafimaad oo ay ka waday gobalka Hiiraan

Muqdisho (KON) - Hay’ada MSF Holland ayaa joojisay hawlihii caafimaad ee ay ka waday isbitalka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online
MSF oo joojisay howlihii caafimaad oo ay ka waday gobalka Hiiraan

Hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa u sababaysay joojinta adeegyadii ay u hayeen shacbiga Baladweyne iney ka danbeysay kadib markii amaanka uu noqday mid aanan leesku halayn Karin.

Howlaha Caafimaad ee Isbitalkaan ay gacanta ku haysay Hay’adaan ayaa wuxuu adeegyoo caafimaad u qaban jiray shacabka ku nool guud ahaanba gobalka Hiiraan eer bartamaha Soomaaliya.

Hay’ada ayaa walaac ka muujisay ammaanka magaalada Beledweyne waxayna sheegtay ineysan sii wadi karin adeegyadii ay u hayeen dadweynaha gobolka Hiiraan.

Arintaan ayaa haatan waxaa walaac xoogan ka muujiyay dadka deegaanka ee gobalka Hiiraan waxayna sheegeen in arintaan ay saamayn ku yeelan karto shacabka daawooyinka ka qaadan jiray halkaasi.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho