Mucaaradka: Farmaajo midnimadii dalka ayuu dhaawacay

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan deg-deg ah caawa ka yeeshay hadalkii maanta kasoo yeeray Xukuumadda ee ku aadanaa Hirgalinta doorashooyinka dalka.

Warar Keydmedia Online
Mucaaradka: Farmaajo midnimadii dalka ayuu dhaawacay

MUQDISHO - Midowga Musharixiinta Soomaaliya oo Shir deg-deg ah yeeshay caawa ayaa sheegay in go’aanka Xukuumadda Rooble ee qabashadda doorasho aan loo dhameyn ay tahay wax aan la aqbali karin, iyagoo ku eedeeyay Farmaajo inuu jebinayo heshiiskii doorashadda 17-kii September 2020.

Midowgu wuxuu ka digay in Madaxweyne Farmaajo uu isku dayo inuu Qore Caaraddiis ku boobo doorashada isagoo isku halleynaya ciidamada uu ku daad-gureynayo gobolada dalka.

Hoggaamiyaashan Mucaaradka ah waxa ay ka digeen in in dalka oo kala maqan qeyb ka mid doorasho laga qabto taas oo dhaawici karta midnimada, isla markaana keeni karta in dalku kala go’o.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo kulanka kadib shir jaraa”id qabtay ayaa yiri: “Dalkan hadda ayuu kala taagan yahay Soomaliland ayaa naga maqan oo gooni ayaan isku taagnay leh oo wada xaajoodkooda muddo lagu soo jiray, sabab loo abuuro in qaar kale gooni ayaan u istaagnay ay yiraahdan birri ma jirto”

“Dalkan suurto-gal kama aha in laga qabto doorasho la leeyahay maamul hebel iyo deegan hebel ayaa ka maqan oo midnimada ayay dhaawace doowladnimadeeney dhaawacee” ayuu ku daray Xasan Shiikh.

Madaxweynihii hore wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxda Maamul Goboleedyadu aysan dadkii shalay iyaga doortay iyo deegaan koodaba aysan ku matalin in ay doorasho aan heshiis lagu ahayn oo lagu kala maqan yahay qabashadeeda u ololeeyaan.

“Madaxweynaha dalka waxaan leenahay in aad tiraahdid qaar waa laga maarmaa, qaarka kalana ciidamo ayaan u daabulaa oo xoog dadka iigu soo af duubaya nimanka odayaasha ah ee saaxiibadaa ahna ay raali ku yihiin dadka Soomaaliyeed ee doowlad goboleedyada maanta meesha joogay ay matalaan raali kama aha” ayuu yiri MW Xasan.

Midowga Musharaxiintu waxa ay sidoo kale sheegeen in doorashooyinki maamulada ee uu Farmaajo boobi jiray tani ka weyn tahay isla markana ay u baahan tahay in loo gogol dhigo oo loo dhimriyo.

Doorasho Hal shaqsi 

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Saakay oo Sabti ah shaaciyay in doorashadda Baarlamaanka ay ka dhici doonto Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Muqdisho, isagoo meesha ka saarey Jubbaland iyo Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo Villa Somalia.

Go'aankan ayuu ku dhawaaqay kadib markii xalay xafiiskiisa kula kulmay Madaxda Galmudug Qoor Qoor, Hirshabeelle Guudlaawe, Koonfur Galbeed Lafta-Gareen iyo duqa Muqdisho Cumar Filish.

Hadii doorashadda ka dhacdo Saddex Maamul Goboleed iyo Muqdisho, oo aysan qeybaha kala ee dalka ka maqan yihiin iyo Mucaaradka, maxay noqon doontaa dowladda cusub ee imaan doonto? Waa su'aal ay shacabka is waydiinayaan.

Farmaajo ma doonayo inuu sameeyo gudi hufan oo xalaal ah oo doorashadda u qabta si xor iyo xalaal ah, oo loo dhan yahay, waayo wuxuu dejistay qorshe uu kusoo laabanayo, mana doonayo inuu kursiga ka dego.

Magaaladda Muqdisho waxaa ku sugan 14 musharax oo ogol wadahadal iyo xalka dhibaatada dalka ka taagan si wadajir ah loo wajaho, laakiin dhinaca Villa Somalia kama jiro rabitaan noocaas ah iyo tanaasul.

Kala qeybsanaanta iyo khilaafyada jira waxay fursad siinaysaa Al-Shabaab oo suurta-gal ah inay dib ula wareegyo meelihii sida dhabka badnayd looga saaray xili Ciidanka Mareykanka oo culeys ku ahaa Kooxdan ay baxayaan bishan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.