Mucaaradka oo ka walaacsan doorashada Aqalka Sare

Xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta, ayaa billaabay in ay si aan ka gambasho lahayn u duraan habka ay u socoto doorshadaa kuraasta Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online
Mucaaradka oo ka walaacsan doorashada Aqalka Sare

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame & Cabdikariin Xuseen Guuleed [Farsamada Sawirka: KEYDMEDIA]

Muqdisho, Soomaliya - Xubno muhiim ah oo ka tirsan Midowga Musharixiinta Soomaaliya, ayaa walaac xooggan ka muujiyaay qaabka ay u socoto, doorashada Kuraasta Aqlka Sare, taas oo ka bilaabatay inta badaan Maamul goboleedyada.

Inkastoo aysan si rasmi ah carrabka ugu dhifan, musaqa baahsan ee Madaxda Maamul goboleedyadu, ku boobeen kuraasta Aqalka Sare, haddana waxa ay si isku mid ah toosh ugu ifiyeen in wixii ka dhacay Kismaayo, Baydhabo, Garowe iyo Dhuusamareeb, ay ahaayeen xulasho loogu yeeray doorasho.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka digay in aan magaca doorashooyinka la sumcad dilin, ayaa xusay in kuraas Baarlamaan oo la boobo aysan cidna u suurta-galin qabashada xilka Madaxweynaha, wuxuuna tusaale u soo qaatay Doorashadii 2012-kii ee uu ku soo baxay Xasan Shiikh,  middii 2016-kii, ee lagu doortay Farmaajo, iyo doorashadii Puntland, ee uu ku soo baxay Deni, kuwaas oo dhamaad Madaxda xilka heshay ay dibad jog ka ahaayeen soo xullidii Baarlamaannadii wax doortay.

Warsame, oo ahaa, Siyaasiyigii ugu horreeyay ee dura, habka ay u socoto doorashada Aqalka Sare, ayaa yiri, “Waxaa habboon in aan doorashooyinka la sumcad iyo sharciyad tirin, mar haddii damac shakhsi ah horay loo xaqiijin kari waayey. Ilaaheey siyaasiyiinta Soomaalida damaca waalan iyo iimaan darrida siyaasadeed ha ka daaweeyo”.

Sidaas oo kale, Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa isna ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo sida ay wax uga dhaceen xarumaha Maamul goboleedyada.

“Madaxda Dowlad Gobolleedyada, ra’iisul wasaraha, beesha Caalamka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda waxaan ugu baaqaya iney dib u eegis lagu sameeyo sida ay hada wax ku socdaan, taas oo hadii aan la sixin dhaawici karta kalsoonidii lagu qabay in xilligan adag looga gudbo is ogol iyo doorasho la isku raacsan yahay”. Ayuu yiri Guuleed.

Daahir Maxamuud Guuleed, oo ah Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa dhankiisa si weyn u edeeyay Madaxweynayasha Maamullada, wuxuu sheegay in ay dajiyeen nidaam wax yeelleynaya sooyaalka danbe ee doorashooyinka dalka.

Boob dadban, midkii ugu weynaa ayaa la rumeysan yahay in ay ku kaceen hoggaamiyayaasha Dolwad goboleedyada, waxayna kuraasta Aqalka sare, u xireen shaqsiyaad ay saaxiibo yihiin, kuwaas oo baratan la’aan ku noqday xunbin ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.