Mudaharaad xooggan oo ka billowday Muqdhisho

Bannaan-bax uu hor kacayo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka billowday waddada aadda garoonka Diyaaradaha Addan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Mudaharaad xooggan oo ka billowday Muqdhisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Nidaamka kali-taliska ah ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa carqaladeeyay bannaan-bax weyn oo maanta qorshuhu ahaa inuu ka dhaco tallada Dal-jirka Dahsoon ee caasimadda Soomaaliya.

Taas ayaa sababtay in xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir iyo hoggaamiyahooda ay Degmada Wadajir ee Gobolka Bnaadir ka billaabaan mudaharaad taas oo suura-galisay in dad badan oo Madax iyo shacab ah ay ku soo biiraan bannaan-baxa.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Xildibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo dad shacab ah ayaa ku soo biiray bannaan-baxa.

Ciidamada uu Farmaajo soo diray ayaa xabad kala hor yimid bannaanbaxa, waxaana Madaxda Dibad-baxaysay hakiyeen muuqaalkii Mudaharaadka oo ay tos uga tabinayeen barahooda Bulshada.

Wixii war ah kala soco Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE.

Commenting is not available in this channel entry.