Muddo kororsigii Farmaajo wuxuu abuuray in…

James Swan wuxuu sheegay in hirgelinta heshiiskii doorashadda ee Sep 17 ay soo wajaheen caqabado dhowr ah.

Warar Keydmedia Online
Muddo kororsigii Farmaajo wuxuu abuuray in…

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga QM ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in muddo korarsigii sharci-darrada uu sameeyay Farmaajo ay horseeday inuu kala qeybsamo Ciidanka qaranka, islamarkaana uu dhexdooda ka qarxo dagaal sokeeye.

Gollaha Shacab ayuu Swan farta ku fiiqay inuu qeyb ka yahay dhibaatadda kadib markii April 2021 ansixiyay sharci gaar ah “Special Law” kaasoo ay muddo labo sano oo xaaraan ah ugu daray Farmaajo oo afartiisa sano dhamaatay Feb 8.

Wakiilka QM oo warbixin ka siinayay Gollaha Amaanka xaaladda Soomaaliya ayaa tilmaamay in dalka uu qarka u koray dagaal sokeeye, kadib markii Ciidanka Badbaado Qaran la wareegeen qeybo kamid ah Caasimadda, iyagoo dagaal la galay kuwa taabacsan Farmaajo.

James Swan ayaa xusay in Gollaha Shacabka uu ka laabtay go'aankii muddo-kordhinta 1-dii May kadib markii cadaadis la kulmay, waxuuna dib usoo nooleeyay heshiiskii Sep 17, taasoo xaaladda qaboojisay, islamarkaana looga baaqsaday dagaal ka dhaca Muqdisho.

QM waxay soo dhaweysay inuu Farmaajo maamulka doorashadda iyo amniga ku wareejiyo Rooble, oo islamarkiiba casuumay Madaxda maamullada oo ka qeybgalay Shirkii Afisyooni ka furmay sabtidii kaasoo la filayo inay kasoo baxaan go'aanno la isku raacsan yahay.

Dagaalkii ka dhacay Muqdisho bishii tagtay ee uu Farmaajo mas'uuliyadiisu lahaa waxaa ku barakacday 60,000-100,000 oo qof, kuwaasoo deganaa Hodon iyo Howlwadaag, oo ah meelaha difaacyada ka sameysteen Ciidanka Badbaado Qaran.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.