Mugdiga ku dahaaran Qoddobada kasoo baxay Shirkii Muqdisho

Taa baddelkeeda qoddobada shirka ka soo baxay ayaa lagu saleeyey oo keliya, heshiisyadii 17- September 2020 iyo midkii  27-kii May 2021, kuwaa oo u xaglinaya, hoggaanka waqtigiisu dhamaaday iyo maamullada la safan.

Warar Keydmedia Online
Mugdiga ku dahaaran Qoddobada kasoo baxay Shirkii Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo muddo lix maalmood ah ka soconayey teendhada Afisyooni, oo ku dhaw Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyey, iyadoo laga soo saarey War-murtiyeed ka kooban 18 qodob.

Qodobada habraaca doorashadda waxaa durba laga keenay su'aallo ku saabsaan dhaqan-gelinta, iyadoo arinta ugu wayn ee caqabada ka imaan karta tahay waqtiga loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashadda kuraasta Gollaha Shacabka oo ka kooban 275, oo illaa hadda 24 la doortay.

Waxaa jira arrimo aad muhiim u ahaa oo aan lagu soo hadal-qaadin War-murtiyeedka ay madaxdu soo saareen, waxaana kamid ah arinta Amniga Qaran, kuraasta doorashadooda muranka ka taagan iyo xubnihii Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashadda, ee Rooble eryay bishii hore, kuwaasoo gaaraya 7 uu ku jiray Gudoomiyaha Gudiga.

Warar hoose oo Keydmedia heshay ayaa sheegay in arinta Amniga Qaran inay qaadatey doodeeda maalmo, iyadoo khilaaf iyo kala qeybsanaan ka dhex abuurtay Madaxda Shirka, iyadoo ugu dambeyn la iska daayay, waxaana lagu bedelay baaq loo jeediyay Ciidanka inaysan siyaasadda ku milmin.

Qoddobada soo baxay ayaa lagu saleeyey heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo midkii 27-kii May 2021, kuwaasoo fulintooda ku adkaatey Madaxda Maamulada iyo Rooble oo mas'uuliyadda doorashadda kala wareegay Farmaajo May 2021.

Waxaa dhanka kale shaki ballaaran la galinayaa dhaqan galka qaar ka mid ah qoddobada ay iminka ku heshiiyeen gollaha wadatashiga qaran, waxaana ka mid ah qoddobka sheegaya in beelaha loo madax baneeyo, doorashadda  kuraastooda, taa oo aan suura gali karin maadaama aan sharci adag laga soo saarin, isla markaana hore loo boobay kuraas badan.

Waxaa isna cabsi xooggan laga muujinayaa, habka uu ku suura gali karo, qoddobka ah in Ciidamadu aanay ku milmin arrimaha siyaasadda, xilli ay jirto in Madaxweynaha waqtgiisu dhamaaday, uu hay'adaha dowladda ku maquuninayo awood ciidan, uuna leeyahay askar si gaar ah uga amar qaata.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.