Munaasabad Shariif Axmed Lagu Sogootinayay oo Maanta Muqdisho Lagu Qabtay

Muqdisho (KON)- Xarunta Maamulka degmada Wadajir ee Gobbolka Banaadir waxaa lagu qabtay munaasabad lagu sogootinayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Axmed islamarkaasna lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Warar Keydmedia Online
Munaasabad Shariif Axmed Lagu Sogootinayay oo Maanta Muqdisho Lagu Qabtay

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano, Fanaano, Wariyal iyo xubno kale oo Ururada bulshada ka tirsan, waxaana dhamaan dadkii halkaasi ka soo qeyb galay ay sogootiyeen Madaweynihii hore iyo iyagoo sheegay inay kal iyo laab ah ay ku soo dhoweynayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif Axmed ayaa waxaa uu hadda ku suggan yahay guri uu iska leeyahay Cali Mahdi Madaxweynihii hore kaasoo u dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.