Xuska 26-ka Juun oo lagu qabtay gudaha Villa Somalia amni awgeed

Munaasabadda maalinta xorriyadda gobollada waqooyi ee 26 Juun ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, xarunta Villa Somalia gudaheeda ayey ka dhacday munaasabaddii xalay si uu uga soo qeyb galo Madaxweyne Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Xuska 26-ka Juun oo lagu qabtay gudaha Villa Somalia amni awgeed

MUQDISHO, Soomaaliya - Munaasabadda maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi islamarkaana ah maalintii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga tago gayiga Soomaaliya ayaa xalay munaasabad ballaaran oo lagu weyneenayo maalintaasi waxay ka dhacday xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka Juun oo ah sannad Guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda qaateen Gobollada Waqooyi, sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay xafladda mas'uuliyiin ay kamid yihiin RW Rooble, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Muudey, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Si uu uga qeyb galo Madaxweyne Farmaajo munaasabadda 26-ka Juun ayaa waxaa lagu qabtay gudaha xarunta Villa Somalia, iyadoo xaalad amni xumo awgeed uusan Madaxweynaha ka qeyb gali karin kulamo isku imaatin bulsho iyo munaasabado kale ayaa waxaa qasab noqotay in xaruntii uu dagganaa ee Villa Somalia gudaheeda lagu qabto munaasabad ay kasoo qeyb galaan dad yar oo baaritaanno la marsiiyay.

Afartii sano ee uu joogay Farmaajo wax horumar ah lagama sameyn dhinaca amniga, waxaa magaalada lagu kala xirxiray dhagaxaan si looga hortago ama loo yareeyo isku socodka gawaarida looga baqanayo in ay qarax wadaan.

Ballanqaadyadii uu Baarlamanka labadiisa Aqal kahor sheegay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waxaa kow ka ahaa in amniga uu wax ka qaban doono, hayeeshee kuma uusan guuleysan in wax uun uu ka qabto.

Dhammaan munaasabadaha waa weyn ee sanad kasta la qabto sida maalmaha xorriyadda iyo ciidaha ayaa laga ilaaliyay in madaxweynuhu uu kala qeyb galo bulshada, marna salaad ciid kulma uusan tukan bulshada barxadaha iyo masaajidda waa weyn ee lagu tukado salaadda ciidda.

Waddanka oo dhan, wuxuu ku jiraa, u diyaargarowgii ugu dambeeyay ee lagu maamuusayo todobaadka xoriyadda, kaas oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-Garsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uu u magacaabay qaban qaabadooda Guddi Wasiiro ah.

Kowda Luuliyo, ayaa Iyana foodda inagu soo heysa, taas oo ku beegan xilligii ay gobollada Koofureed ee dalka xurnimada ka qaateen Talyaaniga, isla-marakaana ay midoobeen Koofur iyo Waqooyi.

Keydmedia Online waxa ay todobaadkaan baahin doontaa warbixinno la xariira todobaadka xoriyadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.