Muqdisho oo qiimaha Gaadiidka lagu raaco sarakac laga dareemay

waxaa Saakay Sarakac baahsan laga dareemayaa qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha gudaha Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo qiimaha Gaadiidka lagu raaco sarakac laga dareemay

Sarakacan ayaa yimid kadib markii wadada ka baxda Dabka ee tagta Suuqa Bakaaraha uu ku qalibmay Gaari, isla markaana gaadiidka dadweynaha loo diiday in ay adeegsadaan wadada xaafadaha marta.

Inta badan marka ay shilalka ka dhacaan wadadaasi ayaa gaadiidka dadweynaha waxa ay adeegsan jireen  wadooyinka dhex mara Xaafada siigaale, waxaana hada deegaankaasi uu noqday goob dagaal oo ay ciidamo isku hor-fadhiyaan.

Dhibaatadan ka taagan wadada ayaa waxa ay sababtay in qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha inta u dhaxeyso Wadajir iyo Bakaaro uu noqdo 10-kun oo shilinka Soomaaliga halkii markii hore uu ka ahaa 3-4 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Dhanka kale Gaadiidka oo iyagu adeegsan jiray wado qarda jeex ah oo ka baxda dhabarka danbe ee Isbitaalka Digfeer isla markaana sii marta Warshada caanaha kadibna Albaraka ayaa hadana waxaa la soo warinayaa in wadada laga jaray inta u dhaxeysa Al-baraka iyo Warshada Caanaha.

Gaadiidka Dadweynaha ayaa adeegsanaya wada xaafadeed qarda jeex ah isla markaana Bacaad badan taa oo ka soo baxda dhanka Guryahii Saraakiisha.

Sara u kaca sicirka gaadiidka dadweynaha ayaa waxaa qeyla dhaan baaxad leh ka muujiyaya shacaka adeegsada gaadiidkaasi.

www.keydmedia.net