Muqdisho oo bandow lagu soo rogayo

Dowladda Fadaraalka ayaa qorsheyneysa in ay Magaalada Muqdisho ku soo rogto bandow ka hor bannaan-baxa ay Musharixiintu iclaamiyeen ee la filayo inuu dhaco Sabtiga soo socda, sida ay ogaatay Keydmedia Online. 

Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo bandow lagu soo rogayo

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda uu waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa qorsheyneysa in ay magaalada Muqdisho ku soo rogto bandow maalmo gaaban ah si ay uga hor tagto bannaan-baxa ay Mucaararku ku dhawaaqeen, Xukuumadduna ballan qaadday amniga Mudaharaadayaasha.

Saraakiil sar sare oo Fahad iyo Farmaajo ka socday ayaa Subaxdii Talaadada kulammo la qaatay taliska Booliska Soomaaliya iyo kan Gobolka Banaadir, sida ay Keydmedia Online ka ogaatay Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay oo kamid ah Booliska dalka, waxaana la isla meel dhigay in la joojiyo guud ahan isku socodka Magaalada dhowr maalmood. 

Nidaamka Farmaajo oo isku badalay kali talis ayaa waxuu ku Marmarsiyoon doonaa, COVID-19, u jeedkiisuse waa cabburin iyo inuu dadka u diido xuquuqdooda Dastuuriga ah.

Qorshahaan ayaa la hor dhigay taliska Booliska Soomaaliya iyo kan Gobolka Banaadir, waxaana lagu amray in ay isku diyaariyaan fulinta amarkaan marka si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online, kooxda Farmaajo ku hareereysan ayaa dajiyay qorshihii lagu fashilin lahaa wada-hadallada u socda Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharixiintam iyo guud ahaan bannaan-baxa.

Farmaajo ayaa xalay soo saaray waraaq u muuqatay mid uu ku abuurayo carqalad taas oo uu ugu yeeray shir Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir maalinta Khamiista, saacado kadib markii RW Rooble iyo Mucaaruadku isla maalintas ku heshiiyeen in qaataan kulanlooda saddexaad si loo dhameeyo wixii dhiman.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono RW Rooble, haddii Farmaajo diido inuu dhaco dibad-baxa uu isagu ogolaaday, halka KON ay fahan-santahay in haddii jidadka oo dhan la xiro ay Midowga Musharixiintu qaban doonaan bannaan-bax la mid ah kii ay qabteen 19 Febaraayo.

Bartamihii bishii April ee sanadkii hore ayay ahayd markii Taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar uu bandow ku soo rogay xilliga habeenkii ah Magaalada Muqdisho kaas oo socday muddo 15 cisho ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.