Muqdisho oo saaka meel la maro la la’yahay

Miisaaniyadda sanadka 2021 ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay $36,857,503.00, iyadoo ay ansixiyeen 62 ergo oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir heer degmo iyo heer Gobol.

Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo saaka meel la maro la la’yahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxa saaka Caasimadda Soomaaliya ka da’aya xagaa galay bishii ugu danbaysay ee macasalaamada, waxaana waddoonyinka Muqdisho harqiyay daadad xooggan, maadaama maamulka gobolka Banaadir uu ku fashilmay, hagaajinta dhuumihii dhulka hoostiisa ahaa oo ay mari lahaayeen biyahu.

Jid kasta waxaa jaray biyo xawaare xooggan ku socoda oo khatar galinya nolosha dadka oo dhan, waxayna guryaha ugu galeen qoysas dan yar ah, kadib markii kuwa dhaqaalaha haysta iska difaaceen daadadka.

Roobka Xagaaga (Summer), oo ka mid ah, afarta xilli roobaad ee Soomaalida, ayaa u da’a si teelteel ah, marka loo eego xilliyada kale, hayeeshee, daqiiqadaha uu istaago shacabka Caasimadda, ayay ku adag tahay in ay waddooyinka adeegsadaan, maadaama ay ku qulqulayaa biyo aan la dhex mari karin.

Roobka saaka ka da’ay Muqdisho, ayaa la filayaa inuu ka sii dari doono nadaaafad darrada magaalada, oo goobo ka mid ah ay shacabkii ka guureen, kadib markii ay ka cabsadeen in ay cudurro aan la aqoon ka qaadaan biyo fariisadyada isku badelay bullaacadaha.

Ka hor inta uusan saaka Roobku billaaban Ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa canshuurta aruuriya ee Gobolka Banaadir, ayaa milkiilayaasha guryaha qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ku qasbayay in ay tagaan saldhigga ugu dhow, isla-markaana bixiyaan lacag sanadle ah oo laa qaado guryaha Muqdisho.

Miisaaniyadda sanadka 2021 ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay $36,857,503.00, iyadoo ay ansixiyeen 62 ergo oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir heer degmo iyo heer Gobol.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Bayle, ayaa dhawaan sheegay in ku dhawaad 15 Milyan oo doolar ay Dowladda Fadaraalka bishii ka soo gasho gobolka Banaadir, taas oo ka dhigan in ku dhawaad 200 oo Malayan ay ka soo xarooto Sanadkii, waxaana la is weydiinayaa waxa lagu qabto iyo halka ay marto lacagta intaas la eg.

Wadayaaasha gaadiidka shacabku raaco, sida caasiyada iyo mootooyinka, ayaa si joogto ah cabsho u soo bandhiga, kadib markii ay go’een qaar ka mid ah jidadka magaalada, mana jirto cid wax ka qabata cabashooyinka dad weynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.