Muqdisho iyo Umul Madfac uu dilay

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iminka waxa ay u muuqataa magaalada Walaaceeda uu sii kordhayo, waxaana maalin walba lagu arkaa dhacdo cusub oo naxdin leh.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho iyo Umul Madfac uu dilay

Madaafiicda aan loo meel dayan ee ay isku asqeeyaan dhinacyada u bareeray daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Magaalada iyo daafaheeda.

Shalay galinkii danbe gudaha Muqdisho waxaa leysku asqeeyay madaafiic aan loo meel dayin waxaana taas laga dhaxlay in dad badan oo reer Aduunyo ahaa ay u galbadaan gudkii aakhiro.

Madaafiicda ayaa ka danbeysay kadib markii kooxaha la dirirsan Dowlada ay agagaarka Bakaaraha ka soo tuureen Hoobiyaal ay la damacsanaayeen Garoonka Diyaarahada balse hoobiyaal bartilmaameedkoodii ka qaldamay ayaa shacab ku dilay xaafada ka mid ah Buula Xuubeey.

Hoobiye ku dhacay Guri Ku dhaw Masaajidka Shiikh Kashka oo ku yaal dhanka Bari ee Suuqa Buula xuubeey ayaa waxaa ku geeriyooday Hooyo umul ah iyadoona ay ku dhaawacmeen laba cunug oo ay dhashay oo midkood uu ahaa kan ay umusha kula jirtay, waxaana dhanka kale jawaab hoobiyaashaasi ay ka bixiyeen AMISOM ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad kale .

Dhacdooyinka xanuunka iyo uur ku taalada badan ayaa waxa ay yihiin kuwa ku soo laalaabtay dhagaha shacabka iyadoona aanay jirin cid u diir naxeysa shacabkan.

www.keydmedia.net