Mursal oo Soomaaliya gelinaya dagaal Sokeeye

Wuxuu ahaa ninkii ka dambeeyay mudo-korarsiigii Farmaajo ee horseeday dagaalkii ka dhacay Muqdisho April 2021.

Warar Keydmedia Online
Mursal oo Soomaaliya gelinaya dagaal Sokeeye

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ee mudo-xileedkiisu dhamaadey Dec 2020 Maxamed Mursal, ayaa markale isku dayaya inuu difaaco Farmaajo xili dagaal kala dhaxeeya Rooble.

Waxay maalintii shalay Musharixiinta soo saareen qoraal ay uga digeen Mursal inuu dib usoo nooleeyo Gollaha Shacabka, sii uu ugu carlqadeeyo dedaallada uu wado RW Rooble ee cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo qabashada doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah.

Mursal ayaa isku dayaya inuu soo nooleeyo Gollaha Shacabka, isagoo u adeegaya Farmaajo, waxaana laga cabsi qabaa inuu qaado tallaabooyinka dalka qalalaase kale iyo dagaal sokeeye gelin kara, kuwaasoo ay kamid tahay in Mooshin ka dhan ah Rooble qabto.

Kadib markii la dhaariyay Wasiirka Cusub ee Amniga C/llaahi Maxamed Nuur, Mursal ayaa soo saarey qoraal uu u diray Rooble kaasoo uu  ku sheegay in tallaabadan uu qaadey ay ahayd mid aan waafaqsaneyn dastuurka, islamarkaana ku wargeliyay inuu weli shaqeynayo Gollaha Shacabka, loona baahnaa inuu soo marsiiyo magacaabista iyo meel-marinta Wasiirka.

Waxay Musharixiinta Mucaaradka u arkeen hadalka Mursal mid uu ku doonayo inuu kusoo nooleeyo Gollaha Shacabka, oo la ogsoon yahay in mudadii uu jiray ahaa meel uu Farmaajo ku adeegto, oo lagu riday Xukuumaddii Khayre July 2020.

Mursal wuxuu ahaa ninkii ka dambeeyay mudo-korarsiigii iyo isku-daygii afgembi ee Farmaajo kaasoo horseeday dagaalkii ka dhacay Muqdisho April 2021 oo khatar geliyay wadanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.