Xildhibaano laga mamnuucay fadhiga Isniinta

Mursal wuxuu qorsheynayaa inuu Isniinta meel-mariyo Mooshinka mudo-kordhinta Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaano laga mamnuucay fadhiga Isniinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Mucaaradka ayaa laga mamnuucay fadhiga Isniinta kadib markii uu fashilmay kulankii maanta oo ajandihiisu ahaa COVID-19, balse ku hoos-qarsanaa mooshin mudo-kordhin ah.

Liiska Xildhibaanada 15-ka ah ayaa la dhigay irida Villa Hargeysa, waxuuna Mursal Ciidanka ku wargeliyay inaysan soo gali karin Kulanka maalinta Isniinta oo la hadal-hayo in Farmaajo mudo-kordhin loogu sameynayo.

Xildhibaanada Mucaaradka waxay sheegeen in kulankii maanta markii ay ka warheleen Mooshinka qarsoon ee mudo-kordhin ay kahor tageen, islamarkaana ay diideen inuu qabsoomo fadhiga oo Mursal Ciidamo lasoo galay.

Mursal ayaa mas'uul ka ahaa xilka qaadistii degdega ahayd ee Khayre July 25, 2020 oo mudo 7 daqiiqadooda lagu meel-mariyay, wuxuuna ahaa mooshin kusoo dhex-tuur ah.

Qorshaha afduubka Golaha Shacabka iyo Xukuumadda waxa uu soo billowday xilli hore, madaxweyne Farmaajo ayaa amray in in Xukuumadda iyo Golaha Shacabkaba ay ku dhex shaqeeyaan gudaha Villa Somalia, oo ah xarunta ugu sarreysa ee dalka laga maamulo, taasoo micnaheedu yahay in amar lagu bixin karo xilli kasta in mas'uuliyiinta labada gole aanay albaabaka kasoo gali karin.

Si kastaba ha ahaatee qorshahan uu ku doonayo Farmaajo in muddo kororsi loogu sameeyo ayaa noqon doona mid soo af-meeri doona dhex-dhexaadnimada Beesha Caalamka, oo waxaa caddaaneysa in uu jabiyay mid kamida qodobadii ay beesha caalamku usoo jeediyeen dowladda ee ahaa in aysan shaqeyn doonin wax la yiraahdo muddo kororsi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.