Musharax Mustaf Dhuxulow oo maalintii 2aad ku xiran Somaliland

Ma jiro wax war ah oo dowladda Farmaajo kasoo saartey xariga Musharaxa, iyadoo muuqata inuu Farmaajo kala jeclayn Xildhibaanka xiran ee xasaanadda leh.

Warar Keydmedia Online
Musharax Mustaf Dhuxulow oo maalintii 2aad ku xiran Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya - Mustaf Dhuxulow, oo kamid ah Musharixiinta Soomaaliyeed ee u taagan qabasha xilka ugu sareeya dalka, ayaa Maalintii 2aad ku jira Xabsi ku yaalla Hargeysa, oo shalay lagu xiray.

Xildhibaanka ayaa lagu qabtay Garoonka xili uu ka yimid Muqdisho, islamarkaana uu transit ku ahaa Garoonka Hargeysa. Lama oga sabata xarigiisa ka dambeysa, balse waxay qeyb ka tahay naceybka madaxda Somaliland ee Koonfurta.

Somaliland ayaa ka mamnuucday degaanadeeda mas'uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, waxayna si joogto ah u xirtaa dadka taageera Maamulka Muqdisho ka jira, Wariyeyaasha iyo Fanaaniinta aan aqoonsanayn gooni isku tagga Hargeysa.

Booliska ayaa Mustaf Dhuxulow kala dhex baxay dad rakaab ah oo diyaarad ku dejisay Garoonka, islamarkaana sugayay diyaarad kale oo dibadda usii qaada, wuxuuna mudanaha ku safrayay markaas baasaboorkiisa Ingiriiska.

Waxaa la filayaa inay Somaliland ay Xildhibaanka kusoo celiso Muqdisho ama ay u ogolaato inuu safarkiisa sii wato, iyadoo aan meesha ka marneyn Maxkamad in lasoo taago, hadii ay jiraan qodobo loo cuskan karo inuu tagey Hargeysa isagoo masu'uul dowladeed ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.