Musharaxiinta oo oo ka hadlay ergayga cusub ee Midowga Afrika

Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraala oo ay kasoo saareen ergayga cusub ee Midowga Afrika usoo magacaabeen Soomaaliya ku sheegay in ay dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo magacaabista mid kamida lataliyayaasha ergayga.

Warar Keydmedia Online
Musharaxiinta oo oo ka hadlay ergayga cusub ee Midowga Afrika

MUQDISHO, Soomaaiya - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa soo dhaweeyey tallaabadii ururka Midowga Afrika uu kusoo magacaabay madaxweynihii hore ee dalka Gaana John Dramani Mahama oo noqonaya u qaabilsanaha Midowga Afrika ee dhexdhaxaadinta khilaafka doorasho ee Soomaaliya.

Golaha ayaa balan qaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan Ergeyga cusub iyo kooxdiisa, iyagoo ka  codsaday daneeyayaasha kale ee siyaasadda dalka inay la shaqeeyaan Ergaygan cusub ee loo soo magacaabay Soomaaliya si uu qeyb uga qaato xallinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka. Goluhu wuxuu u kala eexasho ku eedeeyey La-taliyaha sare ee siyaasadda kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxayna midowga musharaxiintu dalbadeen in dib u eegis lagu sameeyo.

“La-taliyaha sare ee siyaasadda kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika Mr. Babatunde Taiwo, intii uu ka shaqeynayay Soomaaliya, waxuu si furan u baacsaday isaga iyo qaar kale oo ka mida hoggaanka AMISOM koorsooyin siyaasadeed oo xad gudub ku ah waajibaadkiisa, isla markaana si dadban uga qayb qaatay dhibaatadii ka dhacday dalka, haatana waxaa loo xilsaaray dhexdhexaadin." ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay golaha.

Mr. Taiwo ayaa lagu eedeeyay waxqabadyadiisii ​​hore iyo faham la’aantiisa dhaqanka Soomaalida, waxayna u muuqataa in uu yahay ninka kaliya ee ay Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ay diiddan yihiin ee qeybta ka ah guddiga dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo ergayga cusub ee midowga afrika usoo magacaabeen Soomaaliya John Dramani mahama.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.