Musharixiinta Mucaaradka oo Shir go’aan qaadasho ah u furmay

CC Warsame ayaa sheegay inay la tashan doonaan qeybaha kala duwan Bulshadda, Madaxda Maamullada iyo Beesha Caalamka.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta Mucaaradka oo Shir go’aan qaadasho ah u furmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiinta Mucaaradka ayaa shir socon-doonno muddo saddex maalin uga furmay Jazeera Hotel, kaasoo uga tashanayaan arrimaha doorashooyinka socda.

CC Warsame ayaa sheegay in ay la-tashiyo la sameyn doonaan Madaxda Maamullada, qeybaha kala duwan Bulshadda iyo Wakiiladda Beesha Caalamka, kahor inta aysan soo saarin mowqif mideysan oo ku aadan doorashooyinka.

Waxay Musharixiinta muujiyeen inaysan ku faraxsanayn qaabka loo maareynayo doorashadda labada Golle ee Baarlamaanka, oo faragelin badan ay ka jirto, iyadoo Villa Somalia ka shaqeynayso inay kusoo saarto Xildhibaanada u codeeya Farmaajo Oct 10.

Musharixiinta walaacood ayaa yimid kadib markii doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay Koonfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ay kusoo baxeen rag isku siyaasad ah, oo qaab aan xor iyo xalaal ahayn lagu soo saarey.

Madaxdii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa kamid ah ragga ugu tunka weyn ee hormuudka u ah Midowga Musharixiinta, oo ku kulmay ugu yaraan 15 Musharax oo isku kaashanaya sidii Farmaajo uga takhulusi lahaayeen.

Doorashadda Soomaaliya waa mid dadban, oo qaab xulis ah ku imaanayaan Xildhibaanada labada Aqalka [Aqalka Hoose: 275 iyo Aqalka Sare: 54], kuwaasoo shir mideysan ku dooranaya Madaxweyne Oct 10, waxaana tartanku yahay mid musuq-maasuq ka jira, oo codka la iibsado.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.