Musharixiinta oo dib u dhigay banaanbaxa Jimcaha

Waxay gaareen heshiis dhinacyada kadib kulan ay ku yeesheen maanta Decale hotel oo Garoonka Muqdisho ku yaalla.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta oo dib u dhigay banaanbaxa Jimcaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiinta Mucaaradka iyo Rooble ayaa soo saarey qoraal ay ku shaaciyeen inay wada gaareen heshiis lix qodob ka kooban oo lagu joojiyay banaanbixii la qorsheeyay in berri ka dhaco Muqdisho.

Qodobada Heshiiska:

1 - Dowladda ayaa raali-gelin bixisay weerarkii mucaaradka lagu qaadey 19-kii bishan, waxayna ka tacsiyadeysay dhibaatadii ka dhalatay, iyadoo gudi baaritaan u saaraysay arintan.

2 - Dowladda waxay sheegtay inay ilaalinayso xuduuqda dastuuriga ee in qof walba abaabuli kara islamarkaana qabsan karo banaanbax

3 -  Dowladda waxay ogolaatay inay musharixiinta dhigtaan banaanbax nabdoon, iyadoo Ciidankeeda ilaalin doonaan amniga

4 - DF iyo Musharixiinta waxay isla garteen in dib loo dhigo banaanbaxa berri Jimco Feb 26

5 - In banaanbaxa la qabto 10 cisho gudahooda, iyadoo loo xilsaaray gudi wadajir ah

6 - Waxaa la isku afgartay in lasii wado wadahadallada siyaasadeed iyo kuwa doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.