Musharraxiinta oo kulan ku yeelanaya Muqdisho

Gole ay u dhan yihiin murashaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ee 2021 ayaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, sida ay Keydmedia Online ogaatay. 

Warar Keydmedia Online
Musharraxiinta oo kulan ku yeelanaya Muqdisho

KEYDMEDIA ONLINE ayaa heshay xog ku saabsan qabsoomidda kulankaan, waxaana la filayaa in ay kulan weyn oo ay ku diiddan yihiin doorashada Soomaaliya ee 2021 ay qabsan doonaan iyagoo qaadici doona inta isku shaandheyn laga sameyn doono guddiga doorashooyinka oo sida ay KON hore usoo qortay u badan rag dhallinyaro ah oo laga soo kala xulay xafiisyada Madaxdweynaha, kan Ra’iisulwasaaraha iyo kan Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

Macluumadka Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in kulankaan uu dhici doono todobaadka fooda nagu soo haya, waxeyna musharaxiinta qaadici doonaan Guddiyadda doorashooyinka. 

Murashaxiinta ayaa toddobaadkan war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay diiddan yihiin laba qodob oo kala ah:

  1. Magacaabidda guddiga doorashooyinka heer federaal iyo sidoo kale guddiga xallinta khilaafaadka ee uu Ra’iisulwasaare Rooble soo gudbiyay magacyadooda, iyo
  2. Soo xulidda xubnaha guddiga doorashooyinka ku matalaya gobollada waqooyi oo si qaldan loo maamulay.

Golahan ay ku mideysan yihiin murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shardi ku xiri doona ka qeyb galkooda doorashada, kaasoo ah in wax laga baddalo guddiga laga soo kala xulay xafiisyada dowladda ee u diiwaan gashan shaqaalaha Rayidka.

Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Dowladda Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay go’aanka xukuumadda ee ku aadan guddiga ay soo magacawday ee doorashooyinka, wuxuuna si cad u sheegay in aan la baddali doonin xubnaha guddiga doorashooyinka ee ay xukuumaddu soo magacawday, isagoo carrabka ku adkeeyay in Mucaaradku u diyaar garoobaan doorasho waqtigeeda ku dhacda, hadalkaas oo u muuqda mid looga sii darayo xaaladda siyaasadeed ee qasan, wuxuuna caqabad ku noqonayaa in ay hirgasho jadwalkii doorasho ee la isku raacay, inkastoo uu dib u dhac ka jiro.

Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan doorashooyinka Soomaaliya ayaa u muuqda mid uu ku doonayo in uu ku shubto, waxa uuna isagoo u sii gogol xaaraya ku dhiirri galiyay lataliyayaashiisa mid kamida uu ku dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne, si haddii ay uga soo qeyb gali waayaan musharaxiinta kale ay u tartamaan isaga iyo Cali Maxamed Geeddi oo loo saadaalinayo in uu Malxiis u noqon doono Farmaajo.

KON waxay isha ku haysaa qabashada doorashada Soomaaliya ee la filayo in ay qabsoonto horraanta Sanadka 2021 iyadoo ay suurtagal tahay in ay dib uga dhacdo xilliga loo qorsheeyay ee ku aaddan 8-da Febraayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.