Muuse Biix oo farriin u soo diray Madaxda DF iyo Mucaaradka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa farriin usoo diray madaxda DF iyo Mucaaradka.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biix oo farriin u soo diray Madaxda DF iyo Mucaaradka

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya inay faraha kala baxaan arrimaha masiiriga ah ee Somaliland, isaga oo la hadlaya siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda ee ku sugan Muqdisho ayuu si cad uga digay in ay faraha kala baxaan waxa uu ugu yeeray qadiyadda Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo khudbad dheer jeedinayay ayaa waxaa uu gaf ku tilmaamay in madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradkaba ay isku raacsan yihiin in dad dhex jooga Muqdisho ay ka dhigaan Xildhibaanno metelaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland. "haddii aynu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dhinac ayaan kala noqonay, col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad erayadaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane ogaada” ayuu yiri  Madaxweyne Muuse Biixi.

Farriinta madaxweyne Biixi ayaa waxay ku qotontaa inuu diiddan yahay matalaadda xubnaha Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ee ay ku leeyihiin gobollada waqooyi ee Somaliland.

Xilliyadan oo kale waxaa Hargeysa ka yimaada rag xilal doon ah oo Xildhibaan Qaran raadis ugu jira, markii ay sii dhammaaneysana waxaa la arkaa xildhibaanno kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya oo iska casilaya xilalka, tusaale: Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ahaa Xildhibaan Federaal ayaa xilkii xildhibaanimo iska casilay dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay, sidoo kale Senator Mustaf Maxamuud Qodax oo isna ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ayaa isna iska casilay xubintii xildhibaannimada.

Ra'iisul Wasaaraha ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa horay uga mid ahaa guddigii doorashooyinka Somaliland, waxa uuna afar sano kahor yimid Muqdisho si uu xil sare uga qabto dowladda Soomaaliya isagoo metalaad ku imaanaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.