Muxuu Midowga Yurub ka yiri dilka Xildhibaan Aamina?

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, ayaa ka mid noqotay, shaqsiyaadka muujinaya in khaarijinta AUN, Xildhibaan Aamina, ay salka ku heyso dil siyaasadeed.

News Keydmedia Online
Muxuu Midowga Yurub ka yiri dilka Xildhibaan Aamina?

MUQDISHO, Soomaaliya – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, ayaa si adag u canbaareysay weerraadii shalay iyo xalay ka kala dhacay Muqdisho iyo Baladweyne, kuwaasoo ay tilmaantay in ay ahaayen kuwa siyaasadeed.

Tiina Intelmann, oo korkeeda shalay lagu dagaallay, ayaa sheegtay in xasaradaha siyaasadeed aysan Soomaaliya u ahayn waddada hour socodka, waxayna tacsi u dirtay qoyska Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, oo lagu dilay Baladweyne.

“Rabshado ma ahan waddada horay u socodka Soomaaliya, Midowga Yurub, wuxuu cambaareynayaa falalka argagixisada iyo dilalka ku salaysan siyaasadda”, Ayay tiri, Danjiraha dalalka Yurub u qaabilsan Somaaliya.

Hadalka Tiina Intelmann, aya ku soo aaddaya xilli, uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, si cad u sheegay in ay isku xirnaayeen weeraraddii Muqdisho iyo Baladweyne, islamarkaana isla xariiriyay dilka AUN, Xildhibaan Aamina iyo kiiskii Ikraan Tahliil.

Sida ka muuqata hadalka Safiir Tiina, ee ah “Dilalka ku salaysan siyaasadda”, iyo guud ahaan guuxa shacabka, qoraalka Ra’iisul Wasaaraha iyo hadalka Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Waare, waxaa la rumeysan yahay in Villa Soomaaliya maleegtay dilka Aamino.

Allaha u naxariistee, meydka Aamino Maxamed Cabdi, ayaa dhawaan la filayaa in la keeni magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu aasi doono, sida ay KON, u sheegeen xubno ka tirsan qoyskeeda.

KEYDMEDIA ONLINE     

Commenting is not available in this channel entry.