Afar arrimood oo ku saabsan ururka ONLF

ONLF waa urur gobonimo-doon ah, kaas oo ka soo horjeeda in Itoobiya ay gacanteeda ku sii jirto dhulka Soomaali galbeed, waxaana ururka la aas aasay sanadkii 1984-kii, markaas oo lagu yagleelay gudaha Magaalada Muqdisho.

News Keydmedia Online
Afar arrimood oo ku saabsan ururka ONLF

MUQDISHO, Soomaaliya - Jabhada ONLF, ayaa iminka jirta 38- sano tan iyo aas-aaskeedii, waxaana mudadii ay unkanayd ay dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya, iyadoo sheegtay inay difaacaysay dhulka Soomaali Galbeed, si shacabka u helaan madax-banaani dhanka xukunka degaankooda iyo Maamulka Khayraadkooda.

Waxey ONLF saldhig ka dhigatay Eritrea, oo Madaxdeeda fadhiyeen, maadaama Itoobita tagi karin kahor Abiy Axmed, iyadoo Asmara kasoo abaabuli jireen howlgalada Jabhadda ee dowlad-degaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo 30-kii sano ee Tigreeda xukumayay Itoobiya dhibaatooyin loogu geystay shacabka Soomaaliyeed.

Taariikh Kooban

Markii la aas aasay, ururka 15-ka bishii August ee sanadkii 1984-tii, waxey muddo 6 sano ah, bannaanka dalka ka wadeen, qorshaha halgankooda, iyagoo caalamkana u bidhaaminayey, dhibaatooyinka ay itoobiya geysaneyso iyo qadiyada ay ka taagan yihiin, sidii uu xornimo u heli lahaa, dhulka Soomaali galbeed ee ku jira gacanta Itoobiya.

Ragii ururuka aas aasay waxaa laga xusi karaa: Ustaad Cabdiramaan Yuusuf Magan, Axmed Jaale, Sheekh Ibraahin Cabdala, Maxamed Siraad Dolaal, Abdi Ibrahin Geelle, Cabdulahi Mohamed Sacdi, wallow ay jiraan magacyada rag kale, kuwaas oo aan la diiwaan galin, balse halganka qeyb lixaad leh kaga jiray.

Sanadkii 1992-dii, ururka ayaa yeeshay gollayaal kala duwan, kuwaas oo shaqeeya, waxaana heshiiskii lagu unkay gollayaashaas uu ka dhacay, magaalada Garbo ee gobolka Nogob, ee dowlad deggaanka Soomaalida Itoobiya.

Maxey u qaateen Magaca ONLF?

Maaddaama deggaanka ay ku dhan yihiin, inta badan beelaha Soomaalida, waxaa soo laa laabatay, sababta ururka ay u qaateen magaca ONLF, kaas oo macnihiisu yahay, Jabhada wadaniga ee xoreynta Ogaadeeniya, taas oo dhulka Soomaali galbeed, beel gaar ah xijineysa.

Xubanaha ururka ayaa arrinta marar badan dood ka yeeshay, waxaase la isku raacay in magacaas loo daayo, sababo la xiriira in gumeystihii ka hor, deggaanada Soomaali galbeed loo yaqaanay, dhulka Ogaadeeniya.

Afhayeenka ururka ayaa sheegay, in dokumantiga keliyah ee ay hayaan gumeystaha Ingiriiska iyo Talyaaniga, uu ku qoran yahay Ogaden Governor, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay tan ku qasbeysa inuu magaca Ogaadeeniya ka dhex muuqdo ururkooda, wuxuuna xusay in ay tixraac u tahay, haddii Itoobiya ay dood ka furto, lahaanshaha dhulka Soomaali galbeed.

Xoogga Gulufkooda

Gulufka ururka ayaa la tilmaamaa, inuu aad u xoogeystay 1994- tii, waxaana weerada ay Itoobiyaanka ku qaadayeen ay noqdeen kuwa joogto ah, ilaa laga gaaro sanadkii 2006-kii, markaas oo sirdoonka Itoobiya, uu saameyn ku yeeshay dhulka Soomaali galbeed.

Wuxuu shaqaaleysiiyey Soomaali badan, kuwaas oo dhaqaale ka doortay qadiyadii uu ururka u taagnaa, waxeyna dadkaas qeyb ka noqdeen, dhibaatooyinkii lagu hayey shacabka dhulkaas ku nool.

Nidaamka Itoobiya oo ay gacanta ku hayeen Tigreega, ayaa talada u dhiibtay rag ay duleysteen, kuwaas oo amarkooda un fulin jiray, waana tan sahashay in Itoobiyaanka ay kordhiyaan, xadgudubyada ay ka gaysanayeen dhulka Soomaali galbeed.

Sirdoonka Itoobiya ee la fal galay, deggaanada Soomaali galbeed, wuxuu saamaxay in xubnihii ururka badankood, ay ku kala firxadaan dalalka caalamka, siiba kuwa dariska, waxaana jirtay qeyb yar oo ku hartay gudaha dalka, kuwaas oo xiriir toos ah la lahaa xubnaha maqan ee ururka.

Waxey Itoobiya magaalada Jigjiga ka hirgaliyeen, xabsi ay ugu magac dareen Jeel Ogaadeen, kaas oo lagu xiray, halyeeyo ka mid ah ONLF, kuwa taageersanaa, iyo shacab aan waxba galabsan, oo eeddo been abuur ah loo sameeyey.

Xabsiga gudihiisa ayey ka dhacayeen falal ka baxsan bani'aadanimada, waxaana ku geeriyooday tiro Soomaali ah, oo aad u fara badan, halka kuwa kalana lagu kala dhantaalay lixaadkooda, maaddaama xabsiga uu ahaa mid ciqaab adag leh.

Wada-hadalada ilaa iyo iminka ay la yeesheen Itoobiya

Itoobiya iyo ururka ayaa wada hadaladii ugu horreeyey yeeshay bartamihii sanadkii 1992-dii, markaas oo ay ururka ka qeyb galeen Shir weynihii Addis Ababa, ee lagu kala saxiixday heshiisyo, qoddobadooda laga xusi karo in yagleelo Itoobiya loo wada siman yahay.

Itoobiya waxey ka leexatay wixii lagu heshiiyey, waxeyna joogteeyeen dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaali galbeed taas oo qasabtay in halganka uu xoogeysto.

Waxaa fashilmay wada hadalo kala duwan, iyadoo kuwa suura galana ay ku soo idlaadeen natiijo la'aan, sababo la xiriira Itoobiya oo aan daacad ka ahayn wada hadaladaas.

Ilaa laga soo gaaro Xukuumadda Aby Ahmed, ka hor waxaa yaraa wada hadalada labada dhinac u dhaxeeya, waxeyse dib u billawdeen billawgii sanadkii 2018-ka, markaas oo ay dhinacyada dhex dhexaadinayeen guddi ka socda dalka Kenya.

Wada hadaladii dhacay sanadkii 2018-kii oo 3- waji is arag ahaa, ayaa lagu gaaray heshiisyo horu-dhac ah, inkastoo dhameystirka wada hadalada ay curyaamiyeen colaadda Itoobiya uga furantay gobolka Tigreega.

Ilaa iyo hadda qoddobada miiska saaran, ee u baahan in go'aan rasmi ah laga gaaro ayaa kala ah: in wada hadalada ay labada dhinac daacad ka noqdaan, in la isla meel dhigo arrimaha ku aaddan Xuquuqda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee leeyihiin shacabka dowlad deggaanka.

Waxaa kale oo ka mid ah qoddobada in la turxaan bixiyo u baahan: Xuquuqda haybta, in magdhaw la siiyo shacabkii la dhibaateeyey iyo awoodda amniga ciidamada dowlad deggaanka ay yeelanayaan.

Arrinta keliya ee wada hadaladooda fashilisa, iminkana la aaminsan yahay in ONLF aysan ajiibeyn ayaa ah, aqbalida dastuurka Itoobiya, kaas oo aan wax xuquuq gaar ah siineynin shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan, dhulka Soomaali galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.