Muxuu yahay ujeedka safarka wafdig IGAD ee yimid Muqdisho?

IGAD ayaa horey loogu eedeeyay inay dhexdhexaad ka ahayn arrimaha ka taaagan Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda.

News Keydmedia Online
Muxuu yahay ujeedka safarka wafdig IGAD ee yimid Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ka socda IGAD ayaa Maanta soo gaarey magaaladda Muqdisho, waxaana loo xiray wadooyinka halbowlaha ah, sida jidka Makka Al-Mukarama.

Waxaa hogaaminaya Wafdiga IGAD xoghayaha fulinta Dr Workneh Gebeyehu, waxaana ay kulamo la leeyahay madaxda sare ee dowladda, Musharixiinta iyo diblomaasiyiinta ajnabiga.

Ujeedka socdaalka wafdiga IGAD ayaa la xiriira arrimaha khilaafka ka taagan doorashadda Soomaaliya, oo uu doonayo inuu xal u raadiyo, oo dhinacyada is-haya isku soo dhaweeyo.

IGAD ayaa horey loogu eedeeyay inay dhexdhexaad ka ahayn arrimaha ka taaagan Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda, oo Farmaajo u xaglinayeen afartii sano ee lasoo dhaafay.

Booqashada wafdiga IGAD ayaa imaanaysa xili Rooble uu Dec 27 Muqdisho ku qabanayo Shir ay isaga iyo hogaamiyaasha maamulada uga arintasanayaan caqabadaha doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.