Uhuru Kenyatta oo maanta shir guddoominaya Golaha Ammaanka

Uhuru Kenyatta, ayaa maanta shir guddoominaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xilli la filayo inuu si weyn kaga hadlo arrinta badda iyo go’aanka maanta laga sugayo ICJ.

Warar Keydmedia Online
Uhuru Kenyatta oo maanta shir guddoominaya Golaha Ammaanka

NEW YORK - Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Axaddii gaaray New York, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah, waxuuna shir guddoomin doonaa kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo looga hadlayo kala duwanaanshaha, dhismaha dowladnimada iyo nabadda maanta oo Talaadada ah.

Kulanka maanta, ka hor, Uhuru Kenyatta, ayaa Isniintii wadahadalo laba geesood ah kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteress, xarunta Qaramada Midoobay ee New York, kaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Geeska Africa.

Billowgii bishii January ee sanadkan, Kenya ayaa noqotay xubin aan joogto aheyn ee Golaha Ammaanka, halka bishan October uu Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta yahay madaxa Golaha.

Hadaba, dhacdooyinkaan, ayaa ku soo aadaya xilli la sugayo in 4:00pm xilliga magaalada Muqdisho uu soo baxo go’aanka Maxakamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ, ay ka gaartay muranka badda ee uu dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynha Kenya, waxaa la filayaa inuu hadal jeedintiisa kaalin muuqata ka sii doono ka hadlidda arrinkaan, maadaamada ay  Xukuumaddiisu hore ugu dhawaqday in aysan aqoonsan doonin go’aanka ICJ.

Indhaha oo dhan ayaa ku sii jeeda, The Hague, Netherlands, halkaas oo xurun u ah, Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, oo ah hay'adda ugu weyn ee garsoorka, Soomaalida ayaana isku diyaarineysa dabbaa-degyo waaweyn oo lagu soo dhaweynayo in ICJ ay muranka ka saartay baddeenna kheyraadku ceegaago.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.