MW Xasan Sheekh oo fasaxay lacagtii Imaaraadka

Lacagtan oo gaareysa ku dhawaad 10 milyan oo dollar, ayay 8 April 2018, garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho kula wareegeen ciidamo ka socday Nabad-sugidda, waxayna taasi sababtay in xirirka labada dal gaaro halkii ugu hooseysay, inkastoo RW Rooble dib u soo nooleeyay xiriirka labada dal.

News Keydmedia Online
MW Xasan Sheekh oo fasaxay lacagtii Imaaraadka

MUQDIAHO, Soomaaliya - Sida ay xaqiijinayaan ilo loo qaateen ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ugu danbeyn si buuxda Dowladda Imaaraadka Carabta ugu wareejisay, lacag gaareysa $9.6malyan oo doolar, taas oo Dowladdii hore ee Farmaajo hoggaaminayay xayirtay 2018-kii.

Sida xoguhu tilmaamayaan Safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Al-Cushman, oo uu weheliyo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Cabdulaahi Maxamed Nuur, ayaa maanta tagay Bankiga dhexe, halkaasoo ay ka soo qaadeen lacagtan xayirneyd ku dhawaad afarta sano.

Sida ay Keydmedia Online, u sheegeen, ilo diblumaasiyadeed, Madaxweynaha dooran Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa labo caano-maal, kadib doorashadiisii amray in lacagta lagu wareejiyo Maxamed Al-Cushman, xilli ay xusid mudan tahay in uu muddo soo socday dadaallo lagu fasaxayo oo uu gar-wadeyn ka ahaa RW Rooble.

Lacagtan oo gaareysa ku dhawaad 10 milyan oo dollar, ayay 8 April 2018, garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho kula wareegeen ciidamo ka socday Nabad-sugidda, waxayna taasi sababtay in xirirka labada dal gaaro halkii ugu hooseysay, inkastoo RW Rooble dib u soo nooleeyay xiriirka labada dal.

Billowgii sanadkaan RW Rooble, ayaa fasaxay lacagta, hayeeshee, Farmaajo ayaa wareegto ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe in aan la bixin karin, taasoo meesha ka saartay go'aankii Ra'iisul Wasaaraha, yeelkeede, shaqadii ugu horreysay ee taliska Xasan Sheekh, ayaa noqotay in la celiyo lacagtan oo dano siyaasadeed u xayirneyd.

Imaartaadka, ayaa ku guuleystay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu gogol-xaar u noqdo, dib u soo celinta is-afgardkii ay sanadkii 2013, kala saxiixdeen Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo dhiggeedii xilligaas Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan,  kaas oo ujeedkiisu ahaa iskaashi iyo wada shaqeyn hormarineed.

Farmaajo iyo Xukuumadiisii koobaad ee RW Kheyre hoggaaminayay, ayaa geeska galiyay Dowladda Imaaraadka, waxaana la kala diray boqollaal askari oo ay tababareen Imaaraadka, isla-markaana ay bixin jireen mushaarkooda, iyagoo fulinyay heshiis is -afgarad ah oo kor loogu qaaday iskaashiga milateri oo labada dal dhex maray 2014-kii.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.