Nabaddoon lagu dilay Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa nabaddoonka ku dilay agagaarka xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir. 

Warar Keydmedia Online
Nabaddoon lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxo hubeysan ayaa goordhaweed degmada Wadajir gaar ahaan xaafadda Siliga Ameerikaanka ku dilay Nabaddoon lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Cusmaan oo sid weyn looga yaqaanay xaafadda.

Marxuumka oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa xarun ganacsi ku lahaa xaafadda Siliga Ameerikaanka, waxaana dilay labo ruux oo bistoolad ku hubeysnaa sida goob joogayaal sheegayaan.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliska, kuwaas howlgallo ka bilaabay halkaas.

 

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.