Nabadoon lagu dilay Beledweyne

Magaaladda Beledweyne ayaa waxaa ka jira awoodda iska soo horjeeda oo xukunka ku tartamaya, waxayna qabaa'ilka degan ay yihiin kuwa mudo dheer colaad ka dhaxaysay, oo dilalka aanooyinka isku geysta.

Warar Keydmedia Online
Nabadoon lagu dilay Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Koox hubeysan, oo aan heybtooda wali la garan ayaa xalay ku dilay magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan AUN Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegoow).

Dilka wuxuu ka dhacay xaafadda Howlwadaag, waxaana fuliyay labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo goobta durba ka baxsaday kahor inta aysan Ciidamada amaanka soo gaarin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.