Nabadoon Axmed Diiriye ”Shabaabow Islaam ma tahay, Jooji Islaamka aad Gowracaysid”

Muqdisho (KON)- Afhayeenka Midnimada iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriya Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mabda’a Kooxda Shabaab yahay, Xasuuqa Umadda Soomaliyeed oo Islaamkaa si aan Xasilooni loo helin.
Warar Keydmedia Online
Nabadoon Axmed Diiriye ”Shabaabow Islaam ma tahay, Jooji Islaamka aad Gowracaysid”

Nabadoonka ayaa sheegay in Kooxda Shabaab ay yihiin Caruur la marin habaabiyay isla markaana Janno Been loo sheegay isagoona is waydiiyay faa’idada ku jirta daadinta dhiiga qof muslim ah oo aan waxba galabsan.

“War Nin walboow Naftaada xukun, Illaahay ka baq oo Islaam ma tahay, Joojiya Xasuuqa iyo Daadinta Dhiiga Dadka Muslimka ah ee aad xaqdaradda ku dileesaan. War hadaad Cibaado rabtaan Masaajiyaada maad tagtaan maxaad Dadka Muslimiintaa udileysaan? War Janada aad sheegeesaan saas laguma galo” ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriya.

Afhayeenka Midnimada iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa sheegay in Argagixisada ay kasoo horjeedo Midnimada Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Baladweyne