Nin Wariye Dilay oo xukun dil ah lagu riday

Muqdisho (KON) Waxaa maanta dil toogasho ah lagu riday Aadan Sheekh Cabdi Xuseen oo lagu eedeeyey in bishii Sebtember 2012 uu Muqdisho ku diley weriye Xassan Yusuf Absuge.
Warar Keydmedia Online
Nin Wariye Dilay oo xukun dil ah lagu riday

Cabdullaahi Maxamed Muuse oo ka mid ahaa garsoorayaashii Makaxmadda ayaa sheegay in dilkan loo haystey laba nin oo la kala yiraahdo Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen iyo Cabdi Xasan Dhuxulow, garsooraha ayaa sheegay in caddeymo badan oo la helay iyo markhaantiyaal ay ku caddaatey in uu dilka fuliyey Aadan Shiikh Cabdi.

Maxkamadda ayaa xukun dil ah ku xukuntey ninka ay ku heshay denbiga ee Adam Sheekh Cabdi, waxaana maxkamaddu siideysey Cabdi Xasan Dhuxulow.

Alaha  u naxariistee Weriye Xassan Absuge oo ka tirsanaa idaacada maanta ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dilay xili uu ka soo baxay shaqadiisa.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho