Mahad: Nin Al-Shabaab dilalka u qaabilsanaa baa loo dhiibay amniga BF

Sarkaalkan ayaa kamid ah dhalinyaradii Al-Shabaab ee lagu soo tababarey xerada Sarindi.

Warar Keydmedia Online
Mahad: Nin Al-Shabaab dilalka u qaabilsanaa baa loo dhiibay amniga BF

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahad Salaad oo kamid ah 15-ka Xildhibaan ee laga mamnuucay kulamada Gollaha Shacabka kadib markii lagu eedeeyay inay fowdo ka sameeyeen kulankii santida ayaa sheegay in Sarkaal horey uga tirsanaa Kooxda Al-Shabaab uu hogaaminayo Ciidanka dhar-cadka ee la geeyay xarunta Villa Hargeysa.

Wuxuu xusay in Ciidanka la geeyay xarunta ay Xildhibaanada ku shiraan oo gaaraya illaa 200 inay yihiin Al-Shabaab uu askareeyay Fahad Yaasiin, waxayna wataan qoryaha meelaha fog wax ka toogta oo loogu tala-galay cadowga in lagula dagaalamo.

Mahad Salaad ayaa xusay in ujeedka uu yahay in la dilo Xildhibaanada mucaaradka ee kasoo horjeeda mudo-korarsiga Farmaajo, waxaana loo adeegsanayaan xubihii Al-Shabaab kasoo goostay ee dowladda ay Ciidanka ka dhigtay.

“Ciidamada dharcadka ah ee la keenay Xarunta Baarlamaanka waxaa loogu talo galay in Xildhibaannada lagu handado, waxaana hoggaaminayay Sarkaal lagu Magacaabo Shakiib oo, isaga oo dhaawac ah Ciidamada kasoo qabteen Sarandi,wuxuuna Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee mas’uuliyiinta ayuu yiri," Xildhibaan Mahad Salaad.

Kulankii Sabtida ayaa wuxuu banaanka soo dhigay damaca Farmaajo iyo Fahad ee mudo-korarsiga, kaasoo Beesha Caalamka iyo Musharixiinta ay ka digeen dhibaatada ka imaan karta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.